U bood dhigaalka

 “Ciyaartooy Badan Oo Soomaali Ah Dhawaan Waxa Ay Ka Ciyaaridoonaan Horyaalada Waawey Ee Yurub” Bashir Hayford

Sheeko:Cayaaraha

Tababaraha dhawaan xulka kubbadda cagta Soomaaliya loo magacaabay Bashir Hayford ee kasoo jeeda dalka Ghana ayaa waraysi dhinaco badan  siiyay Goobjoog waxaana wax laga waydiiyay qorshiisa kaga aadan horomarinta xulka qaranka Soomaaliya iyo sida uu arko in aan halkan ka shaqeeyo.

“Aad ayaad u mahadsantahay, waxaan todobaadka kowaad iyo kan labaad sameynay in aan xulano labo iyo afartan ciyaariyahan, oo aan tababar u bilaawnay taasina ma ahan xulashadii ugu danbeysay ee waxaan rabnaa inaa labo iyo afartan ciyaariyahan ka doorano ilaa iyo 30, markii aan taasi dhameyno, waxaan rabnaa inaan la ciyaarno dhammaan kooxaha kala duwan ee horiyaalka Soomaaliya,waxaan la ciyaari doonaa kooxda Elman iyaddoo marka xigana la ciyaari doono kooxda Horseed si markaasi aan uga xulano ciyaartoyda fiican, oo aan tababarka u sii wadno, iyadoo aan tababarka sii wadi doono marka aan koox dhameystiran helona waxaan sii wadi doonaa tababarka si aan koox fiican ugu soo saaro, waxaan qorsheenay inaan ku diyaarino ilaa iyo August ama September si aan u sii diyaarino.

01-April 2019-Macalin Bashir Hayford ayaa ciyaartoooyda Xulka Qaranka Soomaaliya oo bilaaway tababarka ay iskugu diyaarinayaan tartamada kusoo wajahan xidigaha Ocean Stars sanada 2019.

https://www.facebook.com/goobjoognews/videos/422835754944543/

“Waxaa la ii siiyay barnaamijka Cecafa ee tartanadeeda taasi oo dhici doonta bisha September ama August iyaddoo tartamadaasna loogu soo bixi doono Koobka Aduunka , iyaddoo hadda aysan jirinba waqti la dhumiyo madaama ciyaaraha ay nagu soo fool leeyihiin, marka waa inaan waqti u helaan oo aan tababarka isla jaanqaadnaa ugu yaraan todobaadkii labo jeer, oo aan bilaabaynaa maalmaha sabtida iyo Axadkasta marka aan tababarkaas sameyno ayaan ugu diyaargaroweynaa tartankaas.”

Xiriirka Soomaaliyeed ee kubbadda cagta ayaa sheegay in macalin Hayford uu lee yahay aqoon wanaagsan sanadaha soo aadan uu hogaamindoono heerarka kala gedisan ee xulka qaranka Soomaaliya,tani waa sheeko ku aadan tababare Bashir markii loo magacaabay xulka qaranka Soomaaliya oo ay diyaarisay Goobjoog.

https://www.facebook.com/goobjoognews/videos/584058865438394/

“waxaan hadda baranayaa taariikhda iyo guulaha ay gaareen xulka kubada cagta Soomaaliya, waxayna ujeedadeyda aheyd in aan halkan imaado oo aan xooga saaro ama haddii aan imaani laheynba dadkala ayaaba diyaarin lahaa madaama aniga xitaa aan halkan joogeynin waligey sabab la xiriirta heshiiskeyga marka waxaan ku farasanahay inaan hadda lagu aamino inaan dhiso kooxaha kubada cagta ee qaranka ee heerarkooda kala duwan madaama hadda la heysto dhalinyaro badan oo soo baxeyso dhinaca kubada cagta.”Bashir Hayford.

Ma jiro ciyaariyahan wanaagsan oo ay wajiga uga qoran tahay inuu yahay ciyaariyahan fiican waana sababta aad ku noqon kartid ciyaariyahan fiican, oo ay ku xiran tahay dadaalkaaga iyo sida ay kaaga go’antahay, waxaana rajeynayaa in ciyaariyahano badan oo Soomaali ah ay noqon karaan ciyaariyahano wanaagsan, waxaana rajo ka qabaa in ay ciyaariyahanada soomaalida ay maalin un ay qeyb ka noqon doonaan horiyaada sida Champion league, Europe League, iyo laliga ah.”

“Fariinteyda waa ay cadahay waxaana halkan u joogaa inaan caawiyo Soomaaliya, oo aan uga faa’iideyo khibradeyda iyo waayo aragnimadeyda ee dhinaca kubada cagta ah, waxaana halkan u joogaa si aniga nafteyda aan wax uga korarsada halkan dhinaca kubada cagta, oo aan doonayaa inaan Soomaaliya wax ka barto islamarkaasna aan wax baro madaama kubadda cagta barashadeyda ma ahan mid halmeel ku xiran waana inaad wareegto si aad waxbadan u kororsato. Waana inaan fikradaha isweydaarsanno, islamarkaasna aan dhiso kooxo xoogan oo Soomaaliya ku matali karto dhinaca ciyaaraha caalamiga ah.

Halkan Ka Daawo Warysi Uu Tababre Bashiir Hayford Siiyay  Goobjoog  Sports

https://www.facebook.com/goobjoognews/videos/2550923148269546/

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle