U bood dhigaalka

Codbixinta Wareega Labaad Ee Doorashada Turkiga oo Maanta Bilaabanaysa

Sheeko:Caalamka

Muwaadiniinta Turkida ayaa maanta markale codkooda ka dhiibanaya doorashada madaxweynanimada Wareegga labaad, waxaana ay soo dooran doonaan madaxweynaha hoggaamin doona Jamhuuriyadda Turkiga, iyadoo si aad ah isugu hayaan Madaxweynaha talada haya ee Recep Tayyip Erdogan iyo Kemal Kılıçdaroğlu.

Guddiga doorashooyinka ayaa sheegay in Codbixinta ay bilaaban doonto 08:00 xilliga Turkiga. Waxayna xirmi doontaa 17:00, waxaana la dhigay In ka badan 191,000 oo sanduuq la dhigi doona 1,094 guddiyada doorashada degmooyinka dalka, Wareegaan ayaa la filaa inuu noqdo mid aad la iskugu hayo oo lagu tartamo.

Madaxweyne Erdogan ayaa waxaa la saadaalinayaa in uu ka guulaysan karo hoggaamiyaha mucaarada ah Kemal, maadaama uu heysto taageerada xisbiga National Movement Party uu hoggaamiyo Sanan Ogan, kaas oo dhinac u ridi karo doorashada dalkaasi, isaga oo heysta Sinan wax ka badan 2 Million oo Codbixiyeyaal ah.

Hoggaamiyaha mucaaradka ah Kemal Kılıçdaroğlu ayaa shacbiyad badan ku lumiyay, kadib markii ku dhawaaqay kala saarista Diinta iyo Dowladnimada Turkiga, taas oo keentay in taageerayaal badan oo Muslimiin ah ay saf u galaan dhinaca kale, Sinan Ogan ayaa qudhiisa lagu tilmaamaa inuu yahay nin aad ugu adag Islaamka.

Waxaa hore usoo gabagowday doorashada Qurbajoogta Muwaadiniinta Turkida, taas oo labada xisbi ay ka heleen guulo la taaban karo, hoggaamiyaha mucaaradka ah ayaa codadkii ugu badnaa ka helay muwaadiniinta ku nool Mareykanka iyo Canada, halka xisbiga AK Party uu ku awood roon yahay muwaadiniinta Yurub iyo Asia.

Doorashada wadanka Turkiga ayaa waxaa ay noqonaysaa middii ugu adkeyd uu wajaho madaxweyne Erdogan, mucaaradka ayaa doonaya isbedel in lagu sameeyo Turkiga, haka Taageerayaasha Xisbiga AK Party ay markale doonayaan in madaxweynaha uu kusoo laabto talada dalkaasi, uu xukumayay tan iyo sanadkii 2009-kii.

Goobjoog News