U bood dhigaalka

Congo Oo Dil Ku Xukuntay Rag Dilay Shaqaala Ka Tirsan Qaramada Midoobay

Sheeko:Caalamka

Dowaladda jamhuuriyadda Dimuquraadiga ah ee Congo ayaa waxaa ay dil ku xukuntay 51, ruux oo lagu eedeeyey dil loo geystay khubarro ka tirsan Qaramada Midobey oo dalkaas lagu dilay.

Dadkaan ayaa waxaa la xukumay maalinimadii shalay oo sabti aheyd, waxaana uu xukunku uu dhacay iyadoo dadka qaar ay ka maqnaayeen oo goobta xukunku ka dhacayey, sida ay shaacisay warbaahinta gudaha dalkaasi.

Dadkaan la xukumay ayaa waxaa loo haystaa dilka laba Khubarro ah, kuwaas oo la dilay sanadkii 2017-kii, xili ay baaritan ka wadeen kiis la xariira dagaal u dhaxeeyey ciidamada dowladda iyo qolyo maleeshiyaad ah.

Zaida Catalan oo u dhalatay Sweden iyo Michael Sharp oo Mareykan ahaa ayaa la dilay xili ay ku safraayeen gudaha dalkaas ayna wadeen baaritaanka kiiska dagaalka, waxaana dableydu ku weeraren gobolka dhexe ee Kasai.

Dadka lagu xukumay dilka ayaa waxaa ku jira madax ka tirsan waaxda socdaalka dalkaas oo lagu eedeeyey fududeynta dilka loo geystay labadaan ruux eek a tirsan khurabarada Qaramada midoobey eek a howlgalayey dalkaas.

Goobjoog News