U bood dhigaalka

Guddoomiye Cismaan: Waxaa La Dhisayaa Hirshabeelle Loo Dhan yahay

Sheeko:Baarlamaanka

Guddoomiyaha baarlamaanka dowlad goboleedka Hirshabeelle Sheekh Cismaan Barre Maxamed oo galinkii danbe ee shalay gaaray magaalada Jowhar ee caasimadda u ah maamulkaasi, iyadoo si diiran loo soodhoweeyey, ayaa waxaana  uu  ka warbixiyey safark uu kujoogay  magaalada caasimadda Muqdisho.

Guddoomiyaha ayaa xusay in dhismaha loogu jiro Hirshabeelle la dadejin doono, waxaana uu carabka ku dhuftay in la dhisayo Hirshabeelle loo dhan yahay sida uu hadalka u dhigay, waxaana uu intaas raaciyey  intii uu ku sugnaa Muqdisho la kulmay madax kala duwan uuna  kala hadlay sidii dhismaheeda iyo maamulkeeda loo hormarin lahaa.

Ugu dambeyn waxaa uu sheegay guddoomiye Cismaan in ay socdaan qorshaha lagu dardar gelinaayo dhismaha Hirshabeellada cusub, taas oo noqonayso mid loo dhan yahay , qorshahaasna uu meel fiican maraayo, waxaana xusid mudan qoraal horay uga soo baxay madaxweyne Waare uu ku sheehay in Hirshabeelle aan deg deg lagu dhisin.

Maamulka Hirshabeelle ayaa waxaa socda dhismaha lagu dhisaayo baarlamaankiisa cusub oo hadda guddigu uu soo saaray Jadwalka iyo hannaan ay u dhaceyso doorashada, iyadoo loo qabtay guddiga ilaa 31 October in lagu soo dhammeeyo Baarlamaanka laguna dhaariyo, Hirshabeelle ayaa afartii sano ee tagtay wajahday khilaafyo badan.

Goobjoog News