U bood dhigaalka

Culumada Machadka ‘MIT’ oo Isku Rakibtay Maadada Ugu Adag Adduunka

Sheeko:War

Culumada machadka machadka Massachusetts Institute of Technology ee “MIT” ayaa isku rakibay maadada ugu adag dunida loona adeegsan karo dhismaha.

Waxaa  ka soo wareegatay 15 sano daahroggii koowaad ee maadada “graphene” oo asalkiisu yahay carbon, taas oo la aaminsan yahay iney tahay maadada ugu adag Dunida.

Maadadan ayaa adeegsigeedda dhanka dhismaha lagala kulmay caqabado adag, waxaa sahlanaan weyday in la jilciyo si looga dhigo 3D la jaanqaadi kara dhismaha.

Cilmi baarayaal ka tisan machadka “Massachusetts Institute of Technology” ee loosoo gaabiyo “MIT”, ayaa sheegay iney xalkii  heleen isla markaana maadadani ay noqoneyso mid dhismaha si sahlan loogu adeegsado oo qaab kastana laga dhigi karo.

Cilmi baarayaasha machadka “MIT” ayaa waxay horumar ku sameeyeen walxo aan hadda magac loo sameeyn, loona ekeysiiyeen qaabka isbuunyada oo kale, cufkeeduna uu yahay 5% marka loo eego cufka birta Ajayga ah ee aadka u adag, maadadani ayaa aad uga adag  birta Toban laab. Maadadan ayaa waxay kulan satay Labo astaamood oo aad ugu muhiim ah dhanka dhismaha oo kala ah culeyskeeda oo aad uga  yar iyo awoodeeda  oo aad u xoog badan.

maaddo

Maadadan cusub ayaa ka dhalatay kadib markii la isku daray gobollo yar yar oo maadada ‘gruphene’ iyo qaab dhismeed u eeg isbuunyada.

Cilmiga ayaa marba marka ka damebeysa waxa uu gaarayaa horumar, iyadoo la helayo maadooyin cusub oo dhan kastaba leh.

Goobjoog News