U bood dhigaalka

Daacish Oo La Wareegtay Degmada Qandala, Gobolka Bari

Sheeko:Dalka

Dagaalyahanno ka tirsan Kooxda Daacish ayaa la sheegay in maanta la wareegeen degmada Qandala ee gobolka Bari, halkaasi oo uu maamulk Puntland maamulayey.

Wararka ayaa waxay sheegayaan  in mar qura deegaankaasi lagu arkay dagaalyahannadan hubeysan, iyaga oo calankooda ka taagey bartamaha degmadaasi.

Jaamac Axmed Kuraashe oo ah guddoomiyaha Qandalla ayaa u xaqiijiyey Warbaahinta in deegaankaasi laga qabsaday, islamarkaana maamulkooda iyo ciidankii Puntland ay hadda magaaladaasi kasoo baxeen.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in ciidanka qabsaday Qandala ay aad u hubeysan yihiin, islamarkaana shacabka deegaankaasi ay billaabeen barakac waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Daacish ayaa qabsatay Qandala, wey hubeysanyihiin, sidoo kale waxay calamadoodii ka taagan degmada oo dhan, shacabkiina wey ka barakacayaan Qanadala” ayuu yiri Kuraashe.

Dhinaca kale guddoomiyaha Qanadala Jaamac Axmed ayaa sheegay in  sida ugu dhaqsiyaha badan uu maamulka Puntland jawaab uga bixin doono la wareegista daacish ee deegaankaasi.

Dagaalyahanno ka tirsanaa Al-shabaab, islamarkaana ku jiray buuraha Galgala ayaa isku bedalay ururka Daacish, kadib markii saraakiishii hoggaamineysay dagaalyahannadaasi ay sheegeen in Daacish ku biireen.

Goobjoog News