U bood dhigaalka

Daacish oo Mar Kale Ku soo Noqotay Magaalada Kobani(Ceynu Carab)

Juun 25, 2015

Maleeshiyada Daacish ayaa subaxnimada Khamiista la sheegayaa in ay ku siqeen magaalada Kobani ee ku taalo xadka Suuriya iyo Turkiga.

Dagaalyahano Kurdish ah ayaa horay u qabsaday Kobnani ama Ain al carab  kadib markii dagaal adag ay la galeen xoogagga Daacish.

Dhinaca kale, Daacish ayaa lagu waramayaa in ay gudaha u galeen magaalada Xaska, halkaas oo ay dagaal kula galeen ciidamada Bashaar Al-asad.

Daacish ayaa la sheegayaa in ay furteen Meydad ay ka heysteen ciidamada Asad, iyagoo dad badan halkaas ku laayey.