Daacish oo Mar Kale Ku soo Noqotay Magaalada Kobani(Ceynu Carab)
Sheeko:Dalka

Maleeshiyada Daacish ayaa subaxnimada Khamiista la sheegayaa in ay ku siqeen magaalada Kobani ee ku taalo xadka Suuriya iyo Turkiga.
Dagaalyahano Kurdish ah ayaa horay u qabsaday Kobnani ama Ain al carab kadib markii dagaal adag ay la galeen xoogagga Daacish.
Dhinaca kale, Daacish ayaa lagu waramayaa in ay gudaha u galeen magaalada Xaska, halkaas oo ay dagaal kula galeen ciidamada Bashaar Al-asad.
Daacish ayaa la sheegayaa in ay furteen Meydad ay ka heysteen ciidamada Asad, iyagoo dad badan halkaas ku laayey.