U bood dhigaalka

Daawo: Sawir Buuxa Oo Ku Saabsan Xaaladda Golaha Shacabka

Sheeko:Baarlamaanka

Saaka waxaa ay shacabka ku waaberiisteen waddooyinka Muqdisho oo xirxiran, waxaa ciidamo hubeysan la dhigay dhammaan isgoysyada magaalada Muqdisho, intooda badan jidka Maka Al-mukarama.

Ciidamada oo istaajiyay  isu socodka gaadiidka dadweynaha ayaa Xildhibaannada ilaalada uga reebayey isgoysyada Dabka iyo Daljirka Daahsoon halaas oo Xildhibaanadu ugu hogaansameen amarkaas cusub iyada oo ay jirto cabsi amni oo lixaad leh.

Xarunta golaha shacabka waxaa lagu wareejiyay ciidamo AMISOM iyo ciidamo kala duwan oo Soomaaliyeed kuwaas wata gawaarida ciidanka, waxaa kale oo ciidamo lagu daadiyay gudaha hoolka, kuwaas oo tiro ahaan ka badnaa Xildhibaannada ilaa hadda gudaha ku jira.

Waxaa sidoo kale gudaha ku jira Guddoomiye Maxamed Sh. Cusmaan Jawaari iyo Guddoomiye Ku Xigeenkiisa Labaad Mudane Mahad Cabdalla Cawad oo labaduba isu diyaarinaya in ay bilaabaan ajendihii ay mudanayaasha golaha ay horey ugu direen halka weli la sugayo in Guddoomiye Ku Xigeenka Kowaad Mudane Cabdiweli Sh. Ibraahim Muudey uu weli soo gelin laakiin Guddoomiye Mudey waxa uu wataa ajende uu Soo Jeedin (Motion) kalsooni kala noqosho Guddoomiye Jawaari.

Askarta ayaa la arkayaa iyada oo safaf dheer ku jira gudaha hoolka, Xildhibaannada arrintaas waxa ay u arkaan afgambi ay dowladda ku sameysay hey’adda sharci-dejinta halka kuwo kalena u arkaan ay sugayaan ammaanka Golaha.

Inkasta oo 27 Xildhibaan keliya ay gudaha ku jiraan waxaa qasan xaaladda hoolka golaha shacabka iyada oo laga cabsi qabo in falal gacan ka hadal ahi halkaas ka dhacaan oo ciidamada badan ee halkaasi la geeyay iyo xildhibaanadu ay isku dhacaan.

Inta badan Xildhibaannada ayaa la sheegayaa in ay isaga kala tageen xarunta golaha shacabka iyaga oo dalbaday in sharciga lagu kala baxo, lana ogolaado in loo hoggaansamo dastuurka iyo xeerhoosaadka golaha shacabka.

 

Goobjoog News