U bood dhigaalka

Dagaal Beeleed Ka Dhacay Gobolka Hiiraan

Sheeko:Dalka, War

Wararka naga soo gaaraya magaalada Baladweyne ayaa sheegaya in meel duleedka kaga beegan magaaladaasi uu ka dhacay dagaal beeleed.

Dagaal beeleedkani oo dhowaanahan ka taagnaa galbeedka gobolka Hiiraan ayaa u dhaxeeya beelo walaalo ah oo halkaasi wada deggan kuwaasoo dilal hore ay uga dhex dhaceen.

Degaan 7 KM galbeedka ka xiga Baladweyne ayaa maanta dagaalka ka dhacay waxaana jira khasaare uu sababay hase yeeshee lama ogaan karo inta uu la eg yahay.

Wariyaha Goobjoog News ee Baladweyne ayaa soo sheegaya in dagaalka hadda uu istaagay oo aynaan jirin wax xabad ah oo laga maqlayo dhanka galbeed ee magaalada.

Dilal ku saleysan aanooyin qabiil oo colaadda labadaasi beelood ah ayaa sidoo kale ka dhacayay maalmihii dambe magaalada Baladweyne iyo degaanno duleedka kaga aaddan.

Guddiga amniga gobolka Hiiraan ee dhowaan uu magacaabay Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Cosoble ayaa ku dhawaaqay xabad joojin iyagoo ku baaqay in la kala qaado ciidamada labada dhinac ee isku horfadhiya weli halkii dirirtu ay ka dhacday.

Goobjoog News