U bood dhigaalka

Dagaal ciidanka dowladda iyo Al-shabaab xalay ku dhex maray Buulo-burte

Sheeko:War
Buulu burte
Degmada Buulo-burte, Gobolka Hiiraan.

Wararka naga soo gaaraya degmada Buulo-burte ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in dagaal qaraar uu xalay ka dhacay halkaas. Dagaalka ayaa u dhaxeeyay xarakada Al-shabaab iyo ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda federaalka Soomaaliya ooh al dhinac ah.

Dagaalka ayaa qarxay markii Dagaalyahanno daacad u ah xarakada Al-shabaab ay xalay saqdii dhexe weerareen saldhiga ciidamada howlgalka midowga Afrika ee AMISOM iyo dowladda federaalka Soomaaliya ay ku leeyihiin degmada Buulo-burte.

Ma jirto faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan khasaaraha ka dhashay dagaalkan. Dagaalka ayaa socday xalay saqdii dhexe ilaa saaka.

Saraakiisha dowladda federaalka Soomaaliya ee ku sugan gobolka Hiiraan ayaan wax hadal ah ka soo saarin dagaalkan.

Ilaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo dhinaca xarakada Al-shabaab ay  ka soo saareen iska horimaadka xalay ka dhacay degmada Buula-burte.

Dagaalka ayaa ku soo beegmay xili maalmihii ugu danbeeyay ciidamada maamulka gobolka Hiiraan iyo kuwa AMISOM howlgalo ka wadeen deegaanno hoostaga degmada.