U bood dhigaalka

Dagaal Laga Cabsi Qabo Sudan Kadib Xilkaqaadistii Ku-xigeenka Mitariga,

Sheeko:Caalamka

Magaalada Khartoum ee dalka Sudan iyo magaalooyinka kale ee dalkaasi ayaa waxaa laga soo wariinayaa in ay ka jirto xaalad deganaan ah, walow ay juraan walaac laga muujinayo inuu dagaal dib u qarxo, kadib xil ka qaadistii lagu sameeyay goggaamiye ku-xigeenka Milatariga dalkaas General Cabdul Xamiid Daqalo hoggaamiyaha RSF.

Hoggaamiyaha Milatariga dalkaasi Cabdulfitax Al-Burhaani shaqada uu ka saaray ku-xigeenkiisa ayaa waxaa ay kusoo aadaysaa xilli ay jiraan wadahadallo ay Mareykanka iyo Sucuudiga gadaal ka riixayaan oo ka socda Jeddah, waxaana dhinacyada ay isku dayayaan in ay gaaraan heshiis lagu soo afjarayo dagaalka u dhaxeeya labada ciidan.

Wareegto kasoo baxday Gen Burhaan ayaa ku xigeenkiisa ugu magacaabay hoggaamiyihii hore ee fallaagada Malik Agar. Mr Agar sidoo kale waa xubin kamid ah Golaha Sare, hoggaamiyaha xilka laga qaaday ayaa xukuma xoogagga gurmadka Degdega ee RSF oo ka amar qaata Daqalo, kaas oo dagaal adag kala soo horjeeda Burhaani.

Xilkaqaadistiisa ayaa waxaa sidoo kale lasoo warinayaa in ay shaki badan galinayso sii socoshada Wadahadallada labada dhinac, maadaama ciida uu hoggaamiyo Generalka shaqada laga saaray ay quudareynayeen in lagu biiriyo ciidanka MIlatiga Sudan, taas oo markii hore la isku mari waayay hannaan loo marayo iyo waqdiga ay qaadaneyso

Gen Burhaan iyo Hamdan labaduba waxay soo ahaayeen guddoomiye iyo ku-xigeenka Golaha Sare ee talada haya siday u kala horreeyaan, tan iyo bishii Oktoobar 2021-kii ee afgambigii militariga uu xukunka dalka la wareegay, waxaana ku-xigeenku markaas dalbaday in xukunka dalka dib loogu celiyo rayidka, taas oo la isku mariwaayay.

Dagaalka dalka Sudan ayaa waxaa uu noqday mid aysan ku kala adkaan dhinacyada, xilli rajo laga muujinayo in heshiis dhab ah lagu gaaro Sucuudiga, hey’adaha u dooda xuquuqul insaanka ayaa sheegaya in tacadiyo ka dhan ah la geystay Aadanaha, iyadoo ciidanka mucaaradka dhankooda lagu eedeeyay tacadiyo ka dhan ah Haweenka.

Goobjoog News