U bood dhigaalka

Dagaal Markale Ka Qarxay Khartoum, Xilli Wakiillo Ku Shirsan Yihiin Sucuudiga

Sheeko:Caalamka

Waxaa  markale dagaal uu dib uga qarxay magaalada Khartoum iyo magaalooyin kale, xilli maanta la filayo in ay hirgasho xabad joojin ay dhinacyadu ku gaareen wadahadallada magaalada Jidah, dhawaqa rasaasta iyo madaafiic xooggan ayaa laga maqlayaa Caasimad Suudaan iyo magaalooyinka  kale oo dhinacyadu isku adeegsanayaan

Ciidamada Milatariga Sudan ayaa waxaa lagu eedeeyay in ay duqeeyeen goobo ay degan yihiin dadka shacabka ah halka ciidamada (RSF) ay qabsadeen hanti gaar loo leeyahay, waxaana dagaalku uu kusoo aadayaa xilli maanta lagu waday in dhinacyadu ay ku dhawaaqaan xabad joojin rasmi ah oo ka hirgasha magaalada Khartoum.

Dhinacyada dagaallamaya ayaa Khamiistii saxeexay “inay diyaar u yihiin ayna fulin doonaan waxa lagu heshiiyo”, ka dib toddobaad wadahadal ah oo ay dhexdhexaadinayeen Sucuudiga martida loo yahay iyo Maraykanka, xilli ay xaaladda sii hurin karaan dagaallada u dhaxeeya dhinacyada oo markale dib uga qarxay caasimadda dalka.

Wadahadallada xabbad joojinta ee u dhexeeya wakiillada dhinacyada dagaallamaya ayaa maanta dib uga bilaaban doona Jeddah, waxaana dhinacyada ay hore i sheegeen sida ay kaga go’an tahay soo afjaridda dagaallada Sudan, kuwaas oo galaya bishii labaad oo labada dhinac ay ku dagaalamayaan gacan ku heynta awoodda dalka.

Magaalada Khartoum ayaa maalmihii lasoo dhaafay waxaa deganaa xaaladdeeda, shacabka ayaa u dhag taagayay waxa kasoo bixi kara wadahadallada Jiddah, ka hor inta aan dib u dhagaha shacabku u maqal daryanka hubka ay dhinacyadu isku adeegsanayaan, xilli la duqeeyay goobo dad rayid ah ay degan yihiin gudaha Khartoum.

Dhinacyada Sudan ku dagaalamaya ayaa isku haya awoodda dalkaas iyo sidii looga heshiin lahaa isku darka RSF iyo ciidamada Milatariga, waxaa sidoo kale kamid ah waxyaabaha la isku mari la’yahay in ay dhinacyadu heshiis ka gaaraan soo dhisitaanka dowladda Rayid oo bedesha taliska Milatariga oo muddo dheer ka talinayay.

Goobjoog News