U bood dhigaalka

Dagaal Wali Ka Socda Sudan iyo XabadJoojin Cusub oo Lagaga Dhawaaqay

Sheeko:Caalamka

Waxaa magaalada Khartoum ee dalka Sudan Asbuucii Afaraad ka socda dagaal xoogga oo dhaxeeya kooxaha  iska awoodda dalkaas ee Milatariga iyo xoogagga kasoo horjeeda, waxaana dhinacyadu markale ay ku dhawaaqeen xabbad joojin cusub oo saddex maalmood ah, waxaana jirtay dhowr jeer xabad joojin aan hirgelin.

Milatariga iyo Dacmu Sariic dhinac walba ma muujin wax saan saan ah oo ay ku joojinayaan dagaalka mid walba uu  ku doonayaan inay ku qabsado magaalada caasimadda u ah dalka Sudan ee Khartuum, ciidamada ayaa wada duqeymo dhanka cirka oo ay la beegsanayaan xarumaha ay degan yihiin kuwa kasoo horjeeda RSF.

Ururada Qaramada Midoobay, Midowga Afrika iyo urur goboleedka IGAD, ayaa si wadajir ah u soo saarey bayaan ay kaga digayaan Dadka reer Sudan iney ugu baahi badan yihiin haatan xabbad joojin, si hawlaha gargaarka bini’aadantinimo loo gaarsiiyo shacabka u baahan in la gargaaro ee ku barakacay dagaallada socda.

Waxay sheegeen hey’adaha QM in waqtiga lagu kordhiyey xabad joojinta ee dheeraadka ah, ay horseedayso in joogsadaan colaadaha, waxaana xusid mudan in ciidamada Milatariga inta badan ay ku sugan yihiin Khartoum, shacabka ayaa wali wada barakaca ay ka sameynayaan magaalada caasimadda ah iyo iyo magaalooyinka kale

Qaramada Midoobay, Midowga Afrika iyo IGAD, ayaa ku booriyay dhinacyada isku haya Suudaan inay ka feejignaadaan weerarrada aan loo meel dayin ee lagu qaadayo goobaha ay dadku ku badan yihiin, ayna u hoggaan samaan shuruucda caalamiga ah, kuwaas oo la xiriira arrimaha dagaalka marka lagu guda jiro.

Codsigan ayaa imaanaya iyadoo malaayiin qof oo ku nool magaalada Khartuum ay gabaad ka dhiganayaan guryahooda, iyadoo ciidamada xoogga dalka wata iyo kuwa sida deg degga ah u hawl gala ee ”RSF” ay ku dagaalamayaan gacan ku haynta magaalada Khartuum oo dhinac waliba uu ka joogo aag cayiman.

RSF ayaa waxaa madax u ah General Dagalo – oo loo yaqaan Hamati – kaasoo noqday maalqabeen aad u weyn sanadihii ugu dambeeyay, ka dib markii uu la wareegay macdanta dahabka ee dalka Suudaan. Waxaa loo malaynayaa inuu hoggaamiyo ilaa boqol kun oo askari oo General Xamdaan isaga u daacad ah.

Generalka Cabsida uu ka qabo inuu ku waayo awoodda iyo hantida, ayaa caqabad weyn ku ah wada hadal kasta oo nabadeed oo la filayey inuu dhaco, waxaana ciidanka Milatariga ay isku dayayaan in ay awood u adeegsadaan, taa oo khasaare badan ku keenaysa shacabka lagu dul dagaalamayo ee ku sugan caasimadda iyo Umu Durmaan.

Goobjoog News