U bood dhigaalka

Dagaalka Itoobiya: Ciidamada Mareykanka Halkaan Waxey U  Joogaan Inay Wax Ka Qabtaan Dhibaatooyinka Gobalka

Sheeko:Caalamka

Ciidamada mareykanka ee fadhigoodu yahay dalka Jabuti ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin ay ka qeyb qaataan sidii loo xalin lahaa qalalaasaha ka taagan dalka Itoobiya.

Saraakiisha hoogaamineysa ciidamada ayaa carabka ku dhuftay in tan iyo November sanadkii hore ay aad u kacsaneyd xaaladda gobalka taasna ay sababtay dagaalka ka socda dalka deriskooda ah.

William Zana oo ah Jeneraal sare oo ka tirsan ciidamada Mareykanka ee fadhigoodu uu yahay Jabuuti ayaa yiri “Ciidamada Mareykanka halkan waxey u  joogaan inay wax ka qabtaan dhibaatooyinka gobalka”.

Hadalkaan ayaa yimid kadib markii Bayaan ay soo saartay Waaxda Maaliyadda Mareykanka ay ku  sheegtay in liiska madow lagu daray ciidamada Eritrea, Hoggaanka xisbiga talada haya  ee FDFJ, la taliyaha dhaqaalaha ee xisbiga iyo madaxa xafiiska amniga Eritrea, iyadoo lagu eedeeyay inay gacan ka geysteen colaadda sanad jirsatay ee ka socota dalka Itoobiya.

Tan iyo markii bishaan oo kale sanadkii hore dalka Itoobiya uu ka bilaabmay dagaalka u dhaxeeya TPLF iyo xukuumadda uu hogaamiyo ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa waxaa soo baxayay baaqyo loo dirayo dowladda Itoobiya oo ku aaddan in dagaalka wadahadal lagu dhameeyo.

Kooxda TPLF iyo xulafadeeda, ciidanka Xoraynta Oromada (OLA) ayaa guulo kala duwan kasoo hooyay todobaadyadii lasoo dhaafay, iyagoo qabsaday magaalooyin qiyaastii 400km u jira caasimada, waxa ayna sidoo kale sheegeen in ay qorsheynayaan in ay dhawaan la wareegaan magaalada Caasimadda ah ee Addis ababa ee dalka Itoobiya.

Goobjoog News