U bood dhigaalka

Dagaalka Sudan oo Dib u Qarxay iyo Muwaadiniinta Shisheeye oo Laga Daadgureynayo

Sheeko:Caalamka

Dagaalka ka dhacaya wadanka Sudan ee u dhaxeeya ciidanka Milatariga iyo xoogagga kasoo horjeeda ayaa dib u qarxay, kadib markii lagu guuldareystay dhaqan galinta xabad joojin hal dhinac ah oo Milatarigu ku dhawaaqay, xilli caasimadda Khartoum ay noqotay mid ay ka barakacaayaan kumanaan Qoys oo ka baxsanaya dagaalka.

Diblomaasiyiinta iyo muwaadiniinta u dhashay dalalka Mareykanka, UK, France  iyo China ayaa waxaa lagu wadaa in laga soo daadgureeyo dalka Suudaan, iyadoo uu weli dagaalka ka socdo halkaasi, sida lagu sheegay war ka soo baxay ciidamada Suudaan, Madaxa ciidamada Fattah al-Burhan ayaa ogolaaday in la fududeeyo.

Milatariga ayaa war ka soo baxay  lagu sheegay in muwaadiniin u dhashay dalalka Britain, Mareykanka, France iyo Shiinaha lagu soo daadgureynayo diyaarado kuwa xamuulka qaada ah oo ka imaanaya magaalada caasimadda ah ee Khartoum, waxaana ay tagi doonaan goobo ammaan ah oo loo diyaariyeen in la dejiyo muwaadiniintan.

Taliyaha ciidanka Milatariga Sudan Al-Burhan ayaa la tacaalayaa loolan adag oo awoodeed oo uu kula jiro ninka hoggaamiya  kooxda ciidamada sida gaarka ah u taba baran ee Ciidanka Birmadka Degdegga ah ee Dacmu Sariic oo ay iska soo horjeedaaan, . Boqolaal qof ayaa lagu dilay dagaallo todobaad socday oo ka dhacay  dalka Sudan.

Marka laga tago Diblomaasiyeyaasha waxaa sidoo kale dalkaas ku go’doonsan kumannaan arday oo waxbarasho u joogtay, waxaana inta badan laga daadgureeyay dalkaas, dowladda Soomaaliya ayaa dhankeeda ku dhawaaqday in lasoo daadgureynayo Ardayda ku sugan dalkaas ee halkaas uu ku qabsaday dagalka dhacaya tobaadkii labaad.

Qorshihii hore ee lagu daadgureeyn lahaa dadka ajnabiga ah ayaan la dhaqangelin cabsi laga muujiyay dhanka badqabka awgeed ah. Sacuudi Carabiya ayaa sidoo kale ku dhawaaqday inay qabanqaabinayso daadgureynta muwaadiniinta Sacuudiga iyo muwaadiniinta “walalaha ah” ee ka imaanaya Suudaansida ay shaacisay.

Dagaalka ka dhacaya dalka Sudan ayaa ilaa iyo hadda waxaa lasoo warinayaa in ay ku geeriyoodeen dad ka badan 2500 ruux, halka ay jiraan dhaawacyo ka badan 5000 ruux sida ay sheegtay Qaramada Midoobay, dagaalka Sudan ee u dhaxeeya ciidanka iyo xoogagga kasoo horjeeda ayaa wali soconaya iyadoo usan jirin xal laga gaaray.

Goobjoog News