Beesha caalamka ayaa muddo wadday dedaal lagu dejinayo xiisadda ka taagan Sudan iyo sidii xukunka loogu dhiibi lahaa xukuumad rayid ah, haseyeeshee taas suurto gal ma noqonin, waxaa yimid gacan ka hadal labada janan taageerayaashooda dhexmaray, khasaaha dad rayidka ah soo gaaray ayaa sii koryadhaya mar weliba.

Madaxda Urur Goboleedka IGAD oo shir degdeg ah isugu yimid ayaa muujiyay dareenkooda ku aadan xaaladda ka soo cusboonaatay dalka Sudan, waxaana dhinacyada ishaya ay ugu baaqeen in laga baaqsado sii hurinta dagaalka taas oo burbur u horseedi karta burshada reer Sudan iyaga oo dalbaday in liiska wada hadalka la isugu yimaado.

Dagaalka Sudan ayaa qarxay kadib markii hoggaamiyeyaasha sare ee golaha KMG ah ay isku khilaafeen sidii ay u qabsoomi laheyd doorasho shacab, taas oo keentay in ciidamo ay kala wataan hoggaamiyaha Sudan, Jenaraal Cabdifitaax Al-Burhaan iyo hoggaamiye ku-xigeenka Jeneraal Maxamed Xamdan Daqalo ay wada dagaalamaan.

Goobjoog News