U bood dhigaalka

Dalka Congo: Ciidamada Rwanda Waxa Ay go’aansadeen in ay ku xad gudbaan madaxbanaanida dhulkeena

Sheeko:Caalamka

Dowladda Congo ayaa dhiggeedda Rwanda waxa ay ku eedeysay in ay duullaan ku soo qaaday goballo ka tirsan dalka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo.

Saraakiil ka tirsan ciidamada Congo ayaa sheegay in ciidamada Rwanda ay weerar ku soo qaadeen, kadib ay magaalada Bunagana ee gobalka North Kivu ay la wareegeen kooxda fallaagada ah ee M23, taas oo ay taageerto dowaldda Rwanda.

Fallaagada M23, ayaa ah kooxda jabhad ah oo ka dagaalanta gudaha dalka Congo, waxaana hadda ay dowladda Congo ay kala wareegeen magaalada Bunagana  ee gobalka North Kivu.

Magaalada ayaa ah magaallo muhiim u ah isku xirka ganacsiga waqooyiga iyo koonfurta dalka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo.

War ka soo baxay maamulka gobalka  North Kivu ayaa lagu sheegay in “ciidamada Rwanda ay go’aansadeen in ay ku xad gudbaan madaxbanaanida dhulkeena ayna qabsadaan magaalada Bunagana”.

Dowladda Rwanda ayaa dhowr jeer oo horay ah iska diiday in ay taageerto fallaagada M23 ee ka dagaalanta Congo.

Goobjoog News