U bood dhigaalka

Daraasad: Dadka Sida Tartiibta Ah Wax U Cuno Ma Cayilaan

Sheeko:Caafimaadka

Daraasad cusub ayaa sheegeysa in dadka cuntada tartiib u cuna ay yihiin kuwa aan cayilin. sidoo kale dadkaani kuma dhacaan cudurada loo yaqaano   Metabolic Syndrome­.

Metabolic Syndrome­: waa koox cuduro ah, kuwaas oo inta badan ka dhasha kororka Miisaanka iyo buurnida, waxayna keenaan cudurada ku dhaco wadnaha, Macaanka iyo wadnaha oo istaaga.

Daraasaddaan ayaa waxaa sameeyay cilmi-baariyaal ka tirsan Jaamacadda Hiroshima ee ku taalo dalka Japan, waxayna cilmi-baarayaashaan ay baaritaan ku sameeyeen 642 qof oo rag ah iyo 441 haween ah,  waxayna ku gudbiyeen daraasadda ay sameeyeen  jamacyiyadda qaabilsan cudurada wadanaha ee ku taalo Mareykanka.

Cilmi-baarayaashaan ayaa ogaaday inta ay wadeen baaritaankaan in dadka sida degdegga ah u cuno cuntada ay dhici karto inay ku dhacaan cudurada Metabolic Syndrome boqolkiiba 11.6%,halka dadka cuntada u cuno si dhexdhexaad ah ay ku dhici karaan cuduradaan 6.5%.

Daraasadda ayaa waxay sheegeysaa in dadka sida tartiibta ah wax u cuna ay dhici karaan in cuduradaani loo yaqaano Metabolic Syndrome ay ku dhacaan 2.3%.

Sida ay sheegayaan cilmi-baarayaashaan qofka sida degdegga ah u cuno badarka ma ahan qof dherga,mida kale mar walba oo uu degdeg wax ku cuno waa mar walba uu cuno waxbadan,taasi oo keeneysa in kor iyo hoos ay aado sokorta ama dhiigga.

Goobjoog News