U bood dhigaalka

Garoomada Kubbadda Cagta Galmudug Oo Gabo Gabo Ah

Sheeko:Cayaaraha

Garoonka kubbadda cagta Dhuusamareeb ayaa dhawaan la dhigidoono cowska macamilka waxaana  guud ahaan maamulka Galmudug ka socda dayactirka iyo quruxinta garoomada,iyadoo dhallinyarada iyo bahda ciyaaraha ayaa soo dhaweyeen howlaha socda sida uu Gooobjoog u sheegay guddoomiyaha xiriirka kubbadda cagta Galmudug Cabdifataax Cabdullahi Warsame (Badshaa).

“Waan u mahad celinaynaa madaxda Dowladda kaalinta ay ka qaateen howlaha iminka ka socda garoomada kubbadda cagta Galmudug,waxaanse rajaynaynaa in aan dhawaan helno garoomo casri ah” ayuu isna Goobjoog Sports ugu waramay guddoomiyaha ciyaaraha Dhuusamareeb Mahad Cabdi.

Xiriirka Kubbadda cagta Soomaaliya ayaa ku mashaquulsan taageereeda ururada kubbadda cagta Maamul Goboleedyadawaxayna Xiriirka Galmudug codsanayaan in laga caawiyo dhigista rooga cowska iyo habeynta tarabuunada garoomaadka maadaama howshan ay iyaga qibrad wanaagsan u lee yihiin.

Si kastaba waxaa dhawaan  xariga laga jaridoonaan garoomada kubbadda cagta Koonfur Galbeed,Galmudug iyo Puntland waxaana dhallinyarada iyo bulshada isboortiga gobolaadaas ay la dhacsanyihiin quruxinta iyo dib u dayactirka ka socda garoomada kala duwan ee maamuladaas.

Halkan Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan Dhismayaasha Garoomada Kubbadda Cagta Galmudug

https://www.facebook.com/goobjoognews/videos/194550025250125/

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle