U bood dhigaalka

Deegaan Doorashada Labaad Ee Galmudug oo Barri Lagu Doorayo Shan Kursi

Sheeko:Baarlamaanka

Magaalada Gaalkacyo ee  gobolka Mudug oo deegaan doorashada labaad ee DGG ayaa waxaa lagu wadaa in maalinta barri ah lagu doorto 5 kursi, kuwaas oo ka tirsan golaha shacabka Baarlamaaka 11-aad ee Jamhuuriyadda federalka Soomaaliya.

Guddiga ayaa magaalada kawada caawa  diiwaangelinta musharraxiinta u tartammaysa kuraasta kala ah HOP#101, HOP#060 HOP#001 HOP#017 iyo HOP#013, oo deegaan doorashadoodu ay tahay magaalada Gaalkacyo.

1: Kursiga tirsigiisu yahay HOP#013, ayaa waxaa ku tartami doonaa maalinimadi bari musharraxiinta kala ah : Aadan Cismaan Xuseen iyo musharrax Maymuun Xuseen Maxamed, waxaa ku horay ugu  fadhisay Maryan Maxamed Xuseen.

2:Kursiga tirsigiisu yahay HOP#101  ayaa waxaa ku tartami doonaa maalinimadi bari musharraxiinta kala ah: Xersi Aadan Rooble iyo musharrax  Caasho Xirsi Maxamed, waxaa horay ugu fadhiyey  musharraxa hore Xersi Aadan Rooble,

3:Kursiga tirsigiisu yahay  HOP#017 ayaa waxaa ku tartami doonaa maalinimadi bari musharraxiinta kala ah: Qaladla Cali Cawaale iyo musharrax Axmed Cismaan Aadan, waxaa horay ugu fadhisay  Duniyo Maxamed Cali.

4:Kursiga tirsigiisu yahay HOP#060 ayaa waxaa ku tartami doonaa maalinimadi bari musharraxiinta kala ah: Ubax Tahliil Warsame, Hodan Cabdullaahi Shire, Qaali Cali Shire, Ayaan Xuseen Xasan (Wacan), iyo Nafiso Qaasim Bulxan, waxaana horay ugu fadhisay  Ubax Tahliil Warsame.

5:Kursiga tirsigiisu yahay  HOP#001 ayaa waxaa ku tartami doonaa maalinimadi bari musharraxiinta kala ah

Jawaahir Maxamed Axmed iyo musharrax Farxiyo Xasan Maxamed, waxaana horay ugu fadhiyey Warsame Maxamed Xasan Joodax, kuraasta bari la dooranayo ayaa waxaa ay qeyb ka yihiin 11 kursi oo deegaan doorashadoodu ay tahay Gaalkacyo.

No description available.

Goobgjoog