Deegaanno Ka Tirsan Gobolka Galgaduud Oo Maanta Laga Soomin
Sheeko:Dalka

Deegaanno ka tirsan gobolka Galgaduud ayaa maanta laga soomin xilli inta badan dalka maalinta 1-aad la sooman yahay.
Degmooyinka kala ah Dhuusmaareeb, Guriceel, Caabudwaaq iyo Xeraale ayaa maanta laga soomin, iyadoo Ahluaa-sunna Waljeeca sheegtay in berri tahay maalinta 1-aad ee bisha barakaysan ee Ramadan.
Degmada Cadaado ayaa inta badan laga sooman yahay halkaasi oo xarun u ah maamulka Galmudug, inkatoo ay jiraan dad aan soomin.
Wasaaradda Awqaafta iyo arrimaha diinta ee xukuumadda Soomaaliya ayaa habeenkii xalay ahaa sheegtay in maanta ay tahay maalinta 1-aad ee bisha barakeysan ee Ramadan.
Goobjoog News