U bood dhigaalka

Deg-deg: Aqalka Sare Oo Ansixiyey Sharciga Kheyraadka Biyaha iyo Hey’adda Maareynta Biyaha

Sheeko:Baarlamaanka

Senatorada golaha Aqalka sare ee baarlamaanka federaalka ah ayaa goordhow ansixiyey sharciga kheyraadka biyaha iyo hey’adda maareynta biyaha qaranka.

Weriyaha Goobkoog News ee aqalka sare ayaa soo sheegay in kulanka uu ku firmay 34 Senator, codeyn gacan taag ah oo la geliyey sharciga,  ma jirin wax diiday ama ka aamusay, oo dhammaan gacantaag ayey ku meel-mariyeen.

Aqalka sare ee baarlamaanka federaalka ah ayaa ka doodayey in muddo ah, waxaana sidaas ku soo xirmay sharciga kheyraadka biyaha iyo hey’adda maareynta biyaha qaranka.

Horay golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa kulankoodii 28aad,kalfadhigii 2aad ku ansixyey sharciga.  Kulanka oo ay joogeen 150 xildhibaan, 147 Xildhibaan ayaa ogolaatay codeynta loo qaaday hindise sharciyeedka Biyaha halka 3 Xildhibaan iska diideen.

sharciga kheyraadka biyaha iyo hey’adda maareynta biyaha qaranka ayaa hadda waxaa uu aadayaa xafiiska madaxweynaha, si uu saxiixo, kadibna lagu daabaco faafinta rasmiga ah.

Goobjoog News