Deg-deg: Golaha Dowlad Goboleedyada Oo Aqalka Sare Ka Dalbaday Inay Dhexdhexaadiyaan Iyaga Iyo Dowladda Dhexe

Golaha iskaashiga dowlad goboleedyada waxaa ay sheegeen inay kalsooni ku qabaan Aqalka Sare

Golaha iskaashiga dowlad goboleedyada(GIDG) oo maanta ka soo jawaabay dalabkii aqalka sare ee ahaa inay soo magacaabaan wasiirro arrimaha khilaafka jira kala hadlo dowladda federaalka aha ayaa sheegay inay ka mahadcelinayaan sida golaha uga go’antahay xalinta khilaafka siyaasadeed ee dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada.

Golaga iskaashiga waxaa uu qoraalka ku sheegay inuu kalsooni buuxda ku qabo doorka dhexdhexaadimeed ee aqalka sare iyo inay sidoo kale tahay waddo lagu gaari karo xal u helidda khilaafka jira.

Golaha iskaashiga dowlad goboleedyada(GIDG) oo xusuusiyey aqalka sare ogaalkooda ku saabsan war-murtiyeedka ay GIDG ku qeexayaan xudunka ismariwaaga iyo xog uruurintii ay sameeyeen ayaa golaha aqalka sare ee baarlamaanka federaalka ah u soo-jeediyey in uu wada hadal la galo dowladda federaalka ah kadibna wixii go’aan ah oo xal u noqon kara khilaafka uu soo jeediyo, taas oo sida ay sheegeen Golaha iskaashiga dowlad goboleedyada ay dhinacooda aqbali-doonaan.

Goobjoog News

Halkan Ka Akhriso, Qoraalka Golaha iskaashiga dowlad goboleedyada(GIDG) Oo Dhameystiran:

Related Articles

3 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW