U bood dhigaalka

Deg-geg: Maamulka Puntland oo xiriirka u jaray dowladda federaalka Soomaaliya

Sheeko:War

Madaxweynaha maamulka gobolkeedka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo manta gellinkii dambe shir jaraaid ku qabtay xarunta maamukaasi ee garowe ayaa sheegay ineey gebi ahaanba xiriirka u jareen dowladda federaalka soomaaliya kadib heshiiskii shalay magaalada Muqdisho lugu heshiiyey in maamul mideysan loo dhisao gobollada dhexe.

Cabdiweli waxaa uu sheegay inay ka soo horjeedan habka ay dowladda u martay dhismaha maamulka gobollada dhaxe oo la sheegay gobolka Mudug iyo Galgaduud inay ka mid noqon doonan.

Waxaa kaloo uu sheegay in Puntland ay ka xuntahay ka qeyb-galka xubanaha beesha caalamka iyo inay marqaati ka noqoto heshiis khilafsan dastuurka KMG ah ee Soomaaliya. Isagoo nasib darro ku tilmaamay in madaxda dowladda faderaalka ay horseed ka noqdaan heshiis ka hor imaanaya dastuurka iskana horkeena bulshada Soomaaliyed ee ku dhaqan gobollada dhexe.

Gaas ayaa ugu baaqay xubanaha ka soo jeeda Puntland ee ku jira golayaasha dowladda dhexe iyo xubintii wakiilka ugu ahayd guddiga dibu eegista dastuurka Marwo Caasho Geelle, inay muddo 15 maalin ah guddahood ku soo gaaran Puntland si ay wada tashi u yeeshaan.

Madaxweynaha Gaas waxuu sheegay inay Puntland go’aan ku gartay inay joojiso xiriir iyo wada-shaqeyn waxii ay la laheyd dowladda faderaalka. Wuxuuna cadeeyey in waxii dhib ah ee ka yimaada heshiiska dhismaha maamulka gobollada dhaxe ay dowladda faderaalka mas’uul ka tahay.

Halkan ka dhageyso shirka jaraaid.