U bood dhigaalka

Degdeg: Xilliga uu Furmayo Kalfadhiga 7-aad ee Baarlamaanka Soomaaliya oo La Shaaciyay

Sheeko:Baarlamaanka

Kulan ay maanta magaalada Muqdisho ku yeesheen guddiga joogtada ah ee golaha labada aqal ayaa waxa ay ku shaaciyeen xilliga rasmiga ah ee uu furmi doono kalfadhiga 7-aad ee baarlamaanka Soomaaliya oo muddo fasax ku maqnaa.

Guddigan ayaa dood dheer ka dib isku raacay in 06-06-2020 uu si toos ah u furmo kalfadhiga 7-aad ee baarlamaanka, waxaana meesha ka baxeysa hadalkii guddoomiyaha guddiga madaxbannaan ee doorashooyinka qaranka ee ahaa inay baarlamaanka hortegi doonto 27-ka bishan.

Marka uu furmayo kalfadhiga 7-aad ee baarlamaanka ayaa waxyaabaha ugu horeeyo ee uu qaban doono waxaa ka mid ah inay shacabka u cadeeyaan nuuca doorasho ee dalka ka dhici doonta iyadoo horey loo magacaabay guddi isku dhaf ah kuwaas oo ka shaqeyn doono diyaarinta iyo dhameystirka xeerarka doorashooyinka.

Xukuumadda hadda jirta ayaa sheegtay inay dalka ka dhici karto doorasho qof iyo cod ah iyada oo ay xusid mudantahay in guud ahaan dalka aysan gacanta ku hayn dowladda federaalka ah, waxaana dadka falanqeeya siyaasadda Soomaaliya ay sheegeen inaysan macquul aahyn in waqtigan ay dalka ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah.

Goobjoog News