DFS Oo Dhagxaanta Ka Qaadday Jidcadayaasha Muqdisho Qaarkood

Shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho ayaa saakay waxay ku waabariisteen dhagxaan laga qaaday jidcadayaasha degmooyinka magaalada qaarkood.
Waxay dadku aad usoo dhoweeyeen in dowladda federaalka ay dib u furto jidcadayaashan la xiray wixii ka dambeeyay February 8, 2017, iyadoo dadkuna ay dhibaato ku qabeen.
C/xamiid Aadan waxa uu ka mid yahay maamulka iskuul uu aad u saameeyay dhagxaanta ku xiranaa waddooyinka, wuxuuna sheegay iney ka mahadcelinayaan cid walbo oo tallaabadan qaadday.
“Annaga dhibaato aad u xooggan ayaan ku qabnay, waayo iskuulka jidkii loo soo geli lahaa waaye, hadda aad baan ugu faraxsannahay arrintan” ayuu yiri C/xamiid.
Dhanka kale, Yaxye Maxamed Jaamac waxa uu ka mid yahay ganacsatada Soomaaliyeed ee saameynta ku yeelatay waddooyinka xiran, waxaana uu sheegay in hadda shaqadiisa si wanaagsan u socoto.
Sidoo kale, arrintan furitaanka jidcadayaasha Muqdisho ayaa waxaa aad usoo dhoweeyay darawallada wada Mooto Bajaajta, waxaana ay sheegeen in ay tahay guul weyn, iyaguna shaqadooda dhiirogelin u tahay.
Wasaaradda amniga gudaha ee xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in furitaanka waddooyinkan ay timid kadib markii ay soo noqt noqotay cabashada dadweynaha.
Goobjoog News