U bood dhigaalka

DFS Oo Si Kulul Uga Hadashay Dhibaatooyinka Lagu Hayo Soomaalida Ku Nool Koonfur Afrika

Sebteembar 5, 2019

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa si kulul waxa ay uga hadashay dhibaatooyinka lagu hayo muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool dalka Koonfur Afrika, iyadoo baaqna u jeedisay Soomaalida ku nool wadankaasi.

War-saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda warfaafinta ee xukuumadda federaalka, ayaa lagu sheegay in dowladda ka xun tahay dhibaatooyinkan aadka usoo noq-noqday.

Sidoo kale, dowladda ayaa fartay muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku sugan Koonfur Afrika, iney muujiyaan feejignaan iyo taxaddar dheeraad ah.

Halkaan hoose ka akhriso:

Goobjoog News