Dhageyso: C/weli Muudey “Waa La Xaday Dastuurkii Dalka u Yaallay”

Guddoomiye ku xigeenka Koowaad ee golaha shacabka, baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, ahna ku simaha guddoomiyaha, C/weli Sheekh Ibraahim Muudey ayaa sheegay in la xaday Dastuurkii dalka u yaallay ee ay soo meelmariyeen ergada Soomaaliyeed.

Waxa uu tilmaamay Muudey iney ogyihiin cid walbo oo arrintaan ka dambeysay, balse waxa uu ka digey in hadane la xado Dastuurka hadda lagu shaqeeyo.

“Waxaan rabaa inaan iraahdo asxaabta hadda ka shaqeyneysa Dastuurka, Jeneraalka, Senator-ka Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid uu guddoomiyaha u yahay saaxiibow sidii kii hore loo xaaday yaaan kan loo xadin, dastuurkaan hala ilaaliyo, kii hore waa maqan yahay, kii ergada Soomaaliyeed ay anisixisay ma ahan midka aan hadda ku shaqeynno, haddii loo baahdana waa la heli karaa dadkii ka dambeeyey arrinkaasi, indhoole ma nihin caqli la’aanna malihin” ayuu yiri Muudey.

Dhanka kale, Muudey oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in sababta loo xaday Dastuurka ay ahayd in gacan kale oo aan Soomaali ahayn maalgelineysay, wuxuuna ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay maalgeliyaan Dastuurkooda.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW