Dhageyso: Culimada Iyo Waxgaradka Laascaanood Oo Sheegay In Aysan Awoodin Qiimaha Xajka

Culimada iyo Waxgaradka ku nool magaalada Laascaanood ee Xarunta gobolka Sool ayaa cabasho xooggan ka muujiyey qiimaha sanadkii lagu tagayo Xajka.

Culimada iyo Waxgaradka ayaa sidoo kale waxay cabasho ka keeneen hadalkii dhowaan ka soo baxay Wasaaradda Awqaafta iyo arrimaha Diinta ee xukuumadda Soomaaliya kaasi oo ku aadanaa in qiimaha Xajka laga dhigay $3,300 oo doolar.

Waxaa ay sheegeen in qiimahaan uu aad u badanyahay islamarkaasna aysan awoodin umadda Soomaaliyeed ee doonaya in ay soo Xajiyaan.

Waxaa xusid mudan, Kadib dadaallo ay sameeyeen baarlamaanka Soomaaliya ayey wasaaradda diinta iyo awqaafta sheegtay inay sanadkan xujeyda dhiibi-doonaan lacagtan, waxaana hoos loo dhigay ilaa $800 wax ka badan.

 

 

Goobjoog News

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW