U bood dhigaalka

Dhageyso: Dood Ku Saabsan Go’aankii Gudoomiye Jawaari Ee Mooshinka Madaxweynaha

Sheeko:War

Barnaamijka Jimcaale oo todobadkiiba mar ka baxa Goobjoog Fm, ayaa maanta waxaa looga dooday arrimaha ku aadan mooshinka ka dhanka ah madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Doodda oo ahayd mid kulul ayaa waxaa lagu falanqeeyay mooshinkaan qaabka ay xildhibaanada ugu kala aragti duwan yihiin iyo sidoo kale go’aankii dhawaan kasoo baxay guddonka baarlamaanka Soomaaliya.

Waxaa ka qeybgalaya doodda Xildhibaan Cali Nuur Boodaaye oo ka mid ah xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya iyo sidoo kale Cabdullaahi Maxamed Shirwac oo ah gudoomiyaha ururada Bulshada rayidka ah.

Qeybaha dambe ee Doodda waxaa kusoo biiri doona xildhibaan Cumar Cali Balash, oo ka mid ah mudanayaasha mooshinka ka gudbiyay Madaxweyne Xasan Sheekh oo isna arrimo badan ka hadli doona.