U bood dhigaalka

Dhageyso: Gaas Oo Kala Diray Golihii Deegaanka Ee Degmada Qandala, Bari

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha maamulka Puntland Maxamed Cali Gaas ayaa wareegto uu soo saaray waxa uu ku kala diray golihii deegaanka degmada Qandala ee gobolka Bari.

Waxa uu madaxeynaha ku sheegay wareegtaday in ay xubnaha golahan hanan waayeen howlihii shaqo ee looga fadhiyey, sidaasi darteedna lagu kala diray.

Dhanka kale, madaxweyne Gaas ayaa Yuusuf Maxamed Saciid wuxuu si KMG ah ugu magacaabay guddoomiyaha degmada Qandala, halka ku xigeenna uu ugu magacaabay C/qaaliq Maxamed Cismaan.

Wasiirka arrimaha gudaha Puntland C/laahi Tima-cadde ayaa wareysi uu siiyey Goobjoog News, wuxuu ku sheegay in wasaaraddiisu ay soo jeedisay kala dirista golahan.

Waxa uu tilmaamay wasiirka in la dhammeystiri xubnaha dhanka maamulka ka haray si shaqada usii socoto.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News