Dhageyso: Guddoomiye Mursal Oo Si Kulul Uga Hadlay Xildhibaanno Maanta Meel Looga Dhacay Xasaanaddooda

Guddoomiyaha golaha shacabka ee baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadlay xildhibaanno maanta meel looga dhacay xasaanaddooda, kadib markii qaarkood waddooyinka loo diiday iney maraan, halka xildhibaan Mahad Salaad isna rasaas lagu ridey.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in marar badan iyadoo ay xildhibaannada howl u fadhiyaan la xiro jidadka, ayna dhacdo dhibaato ay soo gaarto xildhibaannada ama qaarkood ay qatar galaan.

Ciidamada amniga ayuu u sheegay in mudanayaasha baarlamaanka wataan aqoonsi, laga doonayo iney ilaaliyaan xasaanaddooda, lana ilaaliyo sharaftooda iyo karaamadooda.

Guddoomiye Mursal ayaa guddiyada amniga iyo difaaca ee golaha shacabka u saaray baaritaanka dhibaato maanta loo geystay xildhibaanno ka mid ah golaha shacabka ayna geysteen ciidamada ammaanka.

Cidda dambiga gashay ayuu sheegay iney mudan tahay in la keeno laguna abaalmariyo waxa ay sameysay.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News

 

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW