U bood dhigaalka

Dhageyso: Maxaa Looga Hadlayaa Kulanka Maanta Ee Xildhibaannada Aqalka Sare?

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaannada aqalka saree e baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa kulankooda maanta ay ku leeyihiin magaalada Muqdisho waxay kaga hadli doonaan arrimo dhowr ah.

Wariyaheenna Maxamed Salaad Cismaan ayaa soo sheegaya in qodobada kulanka maanta looga hadli doono ay kala yihiin:

  • Wax ka bedalka xeer-hoosaadka goluhu u shaqeeyo
  • Fatahaadda uu sameeyey Wabiga Shabelle, gaar ahaan B/weyne
  • Xaaladda amni ee guud ahaan dalka iyo tan xarunta golaha aqalka sare

Gabagabada ayaa la filayaa in xildhibaananda aqalka sare ay war kasoo saaraan xaaladda daran ee hadda ka jirta magaalada B/weyne.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News