Dhageyso: Qiimo Koror Ku Yimid Xoolaha Suuqyada Baardheere
Sheeko:Dalka

Sare u kac ballaaran ayaa ku yimid qiimaha la kala siisto xoolaha nool ee Suuqyada magaalada Baardheere ee gobolka Gedo.
Qiimaha hashii ayaa suuqyada waxaa lagu kala iibsanayaa qiimo dhan 35- Milyan oo Shilinka Soomaaliga ah halka markii hore qiimo intaas ka yar la kala siisan jiray.
Dhanka Ariga halkii Neef oo Orgay ah ayaa waxaa la kala siisanaa qiimo dhan 2- Milyan oo Shilinka Soomaaliga ah.
Idaha ayaa iyagana waxaa ay joogaan lacag dhan 1-Milyan oo Shilin Soomaali ah .
Goobjoog News