Dhageyso: Warbixin Ku Saabsan Kaluumaysiga Xilliga Habeenkii Ee Dhalinyarada Magaalada Muqdisho

MunasarDad badan oo kalluumeysato ayaa habeen kasta marka ay urtu kala degto u jalaabasho taga jamalada waaweyn ee ku teedsan xeebaha magaalada Muqdisho, iyaga oo ka faa’iideysta dhaqdhaqaaqa bada dusheeda ee yar.

Wariyaheena Munasar Maxamed Cabdi oo xili habeen ah tagey badda ayaa meelihii uu tagay waxaa ka mid ahaa Jamalka Abuu Xuseen loo yaqaano, halkaasi oo ay ku sugnaayeen kalluumeysato badan oo maqaalinta ka tuurtey jamalka dushiisa maadaamaa hoostiisa aysan ahayn xeeb, islamarkaasina kalluunka uu kusoo uruuro xiliga habeenkii ah.

Noocyada kalluunka ee halkani laga dabto waxaa ka mid ah Xabkoole, Boodo-Boodo, Saafi, Quuqle, Biyoole, Koombiloow, Quruumbi, Matago iyo noocyo kale.

Maxamed Cusmaan Axmed waxa uu ka midyahay kalluumeysatada uu wariyaheena meesha kula kulmey, wuxuuna sheegey in waxa ugu horeeya ee loo baahanyahay marka la kalluumeysanayo ay tahay qalabka aad isticmaaleysid, gaar ahaan fiilo adag, waxayna ku xirantahay hadba kalluunka uu rabo in uu soo qabsado inta uu la egyahay, sababtoo ah waxaa suurogal ah in kalluunka uu kaa goosto xariga ama fiilada aay ku dabanayso haddii aysan ahayn mid xoog badan.

Cusmaan Cadaawe oo isna ka mid ah kalluumeysata aan la kulanay xili uu badda kasoo jiidayay malaay dabinka ugu dhacay oo ah nooca Quuqlaha loo yaqaano ayaa noo sheegey in halkii kaliya uu suuqa oga goynayo $10 doolar illaa $15 doolar, taasina ay ku filantahay biilka reerkiisa, wuxuu intaasi ku daray in isaga kaligiis uu maalintii cuno hal kiilo illaa labo kiilo, taasina tahay nacfi kale oo uusan ka heleynin meel kale ama aysan cid kale siineynin.

“Markii habeenkii ay mugdi tahay ayaa noo fiican jalaabashada, sababta oo ah xiliga ay bisha jirto kalluunka iftiinka ayuu ka cararaayaa” ayuu yiri Cusmaan.

“Hooyadeey waa dhimatay, ayeeydeey ayaan la joogaa, aabaheeyna waa xiranyahay” ayuu yiri Cusmaan oo intaasi ku daray in reerkooda uu ka biilo waxa uu ka helo kalluunka.

Maxamed Cusmaan Axmed oo muddo sanooyin ah ka shaqeynayay xirfadda dabashada ayaa sheegey in uu lacag badan ka keydsaday kalluunka, kadibna ay u suurogashay in uu ka guursado, islamarkaasina hadda diyaar u yahay in reerkiisa cusub uu ka biisho.

Jamalka dushiisa dadka jooga waxaa ka mid ah carruur badan oo guryahooda kasoo dhuuntey si ay u jalaabtaan, waxa ay isku madadaaliyaan heeso-hawleedyo, waxaana iyaga farxad u ah in hal ama labo malaay ay habeenkaasi soo qabsadaan, subaxa xigana ay suuqa ka iibsadaan si reerahooda fuqarada ah lacagtaasi yar oga maaransiiso.

Laakiin qaarkood ayaa waxaa heysta walwal kale oo xagga reerkooda ah sida uu sharaxayo midkood “Cidda waa i weeydiiyaan meeshaan aadey, habeen kastana tumoow ayaa ii yaala, laakiin aniga tumoowgaasi uma jirinjixo, malaay ayaa ii cad” ayuu yiri isaga oo sidoo kale sheegey in mararka qaar uu iska masloxo waalidka si aanan loo uleynin.

Kalluumeysiga waa dhaqan fac weyn oo la xiriira wax soosaarka badda, kalluunkana waxa uu ka midyahay cunooyinka ugu nacfiga badan ee bini’aadamka uu cuno.

Kalluunka waxaa ku jira 3 ka mid ah 6-da maaddo ee cunooyinka laga helo, waxaana ka mid ah borotiinka oo ah kan ugu badan ee laga helo kalluunka, fitimiinka oo laga helo nooc ka mid ah kalluunka iyo waliba dufanka.

Waxa uu cobkiyaa maskaxda, waxa uu wax ka taraa taranka dadka , waxa uu kordhiyaa tamar iyo firfircoonaanta ku jirta dadka.

Sida ay diiwaangalisey hey’adda cunada iyo beeraha adduunka ee FAO waxaa hawlaha kalluumeysiga guud ahaan dunida ka shaqeeya illaa 500 malyuun oo qof.

Sidaasi oo ay tahay Soomaalida waxa ay koow ka tahay qoowmiyadaha adduunka kuwa aragtida qaldan ka qaba cunista kalluunka amaba aanan cunin, gaar ahaan Soomaalida raacatada ah.

Hase yeeshee tan iyo intii dadka Soomaalida ay magaalooyinka aadka usoo galeen, iyo waliba dowladdii kacaanka oo wacyigalin badan ka sameysay cunista kalluunka ayaa waxaa aad u kordhey dadka isticmaala kalluunka, taasina waxa ay sare u qaaday dalabka kalluunka.

Dadka ku shaqeysta mihnada kalluumeysiga Soomaaliyeed waa kuwa tiro ahaan aad u yar, iyaga oo ku shaqeysta qalab casrigiisa waa hore ahaa, waxaana xusid mudan in kheyraadka yar ee badda ay kula tartamayaan shirkado waaweyn oo si tuugeysi ah oga kalluumeysta xeebaha Soomaaliya, islamarkaasina xaalufiyey badda.

Marka taas lagu daro hadal dhawaan uu jeediyey Admiral Faarax Qare oo ah agaasimaha machadka cilmi-baarista ee hadda, kaasi oo ahaa in deegaanka iyo biyaha badda ay sii wasaqoobayaan maadaamaa 34 bulaacadood oo saxaro ah iyo kiimiro ay badda ku qulqulayaan, ayaa waxaa kuu muuqanaysa in mustaqbalka kalluumeysatada Soomaaliya uu yahay mid aanan wanaagsanayn.

Halkaan Hoose ka dhageyso Warbixintaan.

Goobjoog News

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW