U bood dhigaalka

Dhageyso: Wasaaradda Caafimaadka DFS Oo Sheegtay Inuu Yaraaday Dhimashada Hooyada Iyo Dhallaanka

Maajo 6, 2019

Wasiir ku xigeenka wasaaradda caafimaadka ee xukuumadda federaalka Soomaaliya, Maxamed Saciid oo wareysi gaar ah siiyey Goobjoog ayaa wuxuu sheegay in sanadahan dambe ay aad u yaraadeen dhimashada hooyada iyo dhallaanka.

Wuxuu sheegay in dalka uu u baahan yahay haween aqoon badan u leh dhalmada haweenka si loo yareeyo qataraha ka imaan kara xilliga dhalmada.

Sidoo kale, wasiir ku xigeenka ayaa sheegay in gobollada dalka ay ka hirgeliyeen iskuullo lagu baranayo xirfadda umuliso-nimada si loo badbaadiyo hooyada iyo dhallaanka.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News