U bood dhigaalka

Dhageyso: Xildhibaan Aqalka Sare Ah Oo Bogaadiyey Wadahadalla u Socda Puntland Iyo Galmudug

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaan ka tirsan aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, ayaa bogaadiyay wada hadallo nabadeed oo maamullada Galmudug iyo Puntland uga soconaya magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

Xildhibaan Xasan Faarax Xujaale ayaa sheegay in wada hadalladaasi ay yihiin wada hadallo u muuqda kuwa laga mira dhalin karo.

Waxa uu sheegay in shacabka gobolka Mudug ay dani ugu jirto in ay ku wada noolaadaan nabad islamarkaana ay muhiim tahay in dadku colaadda ka gudbo.

Xildhibaanka ayaa soo jeediyay sii ambaqaadidda wada hadallada iyo in la adkeeyo qodobo kasta oo dhinacyada ay ku heshiiyaan.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News