U bood dhigaalka

Dhageyso: Xildhibaan Ku Baaqay Joojinta Dagaalka Tukaraq

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaan ka tirsan golaha shacabka ee baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, lagana soo doorto Puntland ayaa ku baaqay in la joojiyo dagaallada soo noqnoqday ee deegaanka Tukaraq.

Xildhibaan Sharmaarke Garaad Saleebaan Buraale oo wareysi siiyey Goobjoog News, ayaa tilmaamay in muhiim ay tahay helista nabad waarta oo ka hirgasha Tukaraq.

Waxa uu tilmaamay xildhibaanka in Puntland iyo Somaliland laga doonayo iney miiska wadahadalka ku xalliyaan khilaafka jira.

Dhanka kale, Somaliland ayuu ugu baaqay xildhibaanka in aysan wadahadallada Tukaraq la aadin dhanka dowladda federaalka balse ay si dhab ah ula fariisato Puntland oo dagaalka uu kala dhaxeeyo.

Dagaallada ka dhacay deegaanka Tukaraq ayaa sababay khasaare isugu jirta dhimasho iyo dhaawac.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News