U bood dhigaalka

Dhakhaatiirta UK oo Shaqo-joojin Sameynaya Muddo Sedex Maalin ah

Sheeko:Caalamka

Dhaqaatiir gudaha UK ayaa bilaabay shaqo joojin ay ku dalbanayaan mushaar kordhin, waxaana ay isugu soo baxeen wadooyin iyaga oo ku cabanaya doonista mushaar sare. UK ayaa dhaqaale xumi caga la gashay tan iyo markii uu dilaacay COVID-19 iyo ka bixitaankii Midowga Yurub.

Tobnaan kun oo dhakhatiir ah ayaa Isniinti dalka Britain ka bilaabay shaqo joojin ku meel gaadh ah oo soconaysa muddo saddex maalmood ah. Arrinkan ayaa saameyn ku yeelan doona dadka bukaanka ah, iyada oo dhammaan  dhakhaatiirtuna ay ka cabanayso mushaharka ay qataan oo yar.

Nolol maalmeedka dadka Britain ayaa aad u adkaaday, sicir bararka ayaa aad sare ugu kacay, waxaana shaqo joojintaan ay saameyn ku yeelan doontaa bukaannada balamada la leh dhaqaatiirta iyo kuwa ku sugan gudaha Isbitaallada, mana muuqato in xaalku sidiisa kusoo laabto dhowaan.

” Waxaa ay culeys aad iyo aad u weyn saareysaa hey’adda caafimaadka bixisa ee dalkaan Ingiriiska ee loo yaqaano NHS, oo markii hore la daalaa dhaceysay qarashka lagu bixiyay adeegga caafimaadka iyo shaqaale faro badan oo caafimaad oo dalkaan ka tagay iyo dhaqaatiir badan iyo Nurse badan oo mihnadda caafimaadka ka baxeen oo shaqooyin kale iska qateen” ayuu yiri Maxamed Ceydiid Hurre oo la hadlayay Laanta VOA-da.

Bannaanbaxa dibadbaxayaasha ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli UK ay dhex muquurayso dhaqaale xumi soo wajahday tan iyo markii lasoo laabtay xanuunka COVID-19 iyo ka bixitaan midowga Yurub, taas oo dhalisay in laba Ra’iisulwasaare shaqadooda ku waayaan dhaqaale xumida ka jirta gudaha UK.

Goobjoog News