U bood dhigaalka

Dhaqdhaqaaqyo ganacsi oo si weyn looga dareemayo suuqyada Muqdisho

Sheeko:War

Dhaqdhaqaaq ganacsi oo aad u xoogan ayaa laga dareemayaa suuqyada magaalada Muqdisho xilli ay maalmo kooban ay naga xigto ciidul adxha oo lagu wado in ay ku soo aado maalinta sabtida ee soo socota.

Suuqyada maanta mashquulka laga dareemay waxaa ka mid ah suuqa Bakaaraha iyo suuq

Bacaad halkaasi oo ay ku qulqulayaan macaamiil iibsanaya waxyaabaha ciida la adeegsado sida

Dharka iyo walxaha lagu qurxiyo guryaha .

Dhanka kale sayladaha xoolaha lagu gado ee Muqdisho ayaa sidoo kale laga dareemayaa mashquul xowli ah waxaana gaaraya dad doonaya in ay iibsadaan xoolaha sida ariga, geela iyo Lo’da iyadoo qiima koror uu ku yimid qiimihii xoolaha hore loo iibin jiray sida uu Goobjoog FM u sheegay Yaasiin Xuseen oo ka mid ah raga iibiya xoolaha .

“ Neefka geela ah ee jarta ah waxaa la kala siisanayaa 33-25 maliyan , halka neefka ari cadka ah uu qiimihiisu yahay 3 milyan oo shilin Soomaali”. Ayuu yiri Yaasiin Xuseen.