U bood dhigaalka

Dharbaaxo William Rutu Kaga Timid Maxkamadda Sare,Xilli uu Diyaarinayo Dacwad

Sheeko:War

Maxkamadda sare ee dalka Kenya, ayaa diiday codsi uu u soo gudbiyey madaxweynaha la doortay Kenya ee, William Ruto, kadib markii dacwadda ay dhageysteen ilaa 7 Garsoore, waxaana horey dacwad ka dhan ah natiijada doorashada dalkaas u gudbiyay maxkamadda Raila Odinga oo looga adkaaday doorashadii guud ee ka dhacday Kenya.

Codsiga dacwadda ayaa ahaa in lix kamid ah guddiga doorashada (IEBC) laga mamnuuco ka qeyb galka dacwadda ka dhanka ah  doorashada madaxweynaha, iyadoo go’aamisay in khilaafka la horkeeno garsoorayaasha, kaas oo u dhaxeeya William Rutu iyo musharraxa kula tartamay doorashada madaxweynaha oo looga guulaystay 50.4% codadkii la dhiibtay.

Madaxweynaha la doortay Ruto, ayaa doonaya in afarta xubnood ee guddiga doorashada, ee ku rayiga ah isbaheysiga Azimio, inay dhanka isbaheysigaasi maraan. Xubnaha afarta ah, ayaa haatan qeyb ka ah xubnaha guddiga doorashada ee dacwadda doorashada lagu muransan yahay ee la gudbiyey ka jawaabaya.

Waxaa lagu wadaa in Maalinta bari ah ayey maxkamaddu si rasmi ah u bilaabato dhageysiga dacwada. Waxay haysataa maxkamadda inay go’aan ku gaarto illaa iyo 5-ta bisha September 2022, kaas oo dhinac u ridi kara muranka ka taagan natiijada doorashada guud ee madaxweynaha ee u dhaxaysa Raila  iyo Rutu.

Goobjoog News