Dhibaatooyinka Amni iyo Tan Siyaasadeed ee uu Keeni Karo Mooshinka Cusub Ee Cabashada Xasaanadda

Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa dhawaan waxay madaxweyne Xasan Sh ka gudbiyeen mooshin ay ku sababeeyeen in madaxweynuhu uu ku xad gudbay xasaanadii xildhibaannada, mooshinka ayaa waxaa soo saxiixday xildhibaanno 50 kor u sii dhaafaya oo loo gudbiyey guddoonka Baarlamaanka 8 bishan Febraayo.

Haddaba waa maxay dhibaatooyinka Amni iyo midda Siyaasadeed uu dalka u horseedi karo?

Ammaanka Qaranka

Ammaanka Qaranku waa aragti lagu ilaaalinayo maslaxadda guud, xukuumadda Baarlamaanka iyo muwaadiniinta iyadoo la soo saarayo siyaasado Dowladdu ay waajibineyso oo saameynaya Siyaasadda, Dhaqaalaha, Diblumaasiyadda iyo Ciidanka.

Hadaba xaaladdi dhawaan ka soo cusboonaatay garoonka Muqdisho ee Aadan Cadde Airport ayaa noqoneysa xaalad si toos ah u taabaneysa ammaanka qaranka aadna khatar u ah, waa dhacdo sababi karta in gebi ahaanba la xiro garoonka, maadaama xaalad cusub oo ugub ah ay soo korortay oo ah in la weeraro diyaaradaha gacansiga dalka islamarkaana qaraxyo lagu rakibo.

Madaxweynaha oo xaaladda cusub ka jawaab celinaya ayaa waxa uu codsaday in Baarlamaanka uu hor tago si uu ula wadaago xaaladda cusub ee taagan ee  waliba xasaasiga ah iyo walwalka uu qabo, isagoo xubnaha Baarlamaanka kula dardaarmay iney ammaanka ka qeyb qaataan islamarkaana ay iyagu horseed u noqdaan.

Madaxweynaha ayaa soo jeediyay in Hay’adaha ammaanka in la ixtiraamo oo cid walba la baaro, cidkasana suunka iyo kabaha laga furo, waxa uu madaxda kula dardaarmay iney iska daayaan dadka hay’adaha ammaanka u xiran oo ay markasta iyagu daba taagan yihiin si ay u soo daayaan, waxa uu sheegay in dadku ku dhaqmayaan waxa ay madaxdooda ka arkaan islamarkaana loo baahan yahay in madaxdu ay iska bilowdo, maadama ay taagan tahay xaalad cusub oo dhanka ammaanka qaranka khatar ku ah.

Isla markiiba waxaa hadalkii madaxweynaha si kale u fasirtay ,xildhibaannada qaarkood oo u arkay in xasaanadoodii loo soo dhigtay , waxayna isla markiiba abaabuleen mooshin ka dhan ah madaxweynaha.

Xildhibaan Maxamed Yuusuf oo Ka mid ah baarlamaanka Soomaaliya ayaa Isniintii 8 Febraayo hadal uu ka jeediyay baarlamaanka fedraalka hortiisa ka sheegay in madaxweynaha Dalku uu meel ka dhac ku sameeyey dastuurka qaranka  isagoo xasaanadda Xildhibaanada ku tuntay amarna  ku baxiyey in Xildhibaanada la baaro sharaftana laga qaado.

Xildhibaanka ayaa sheegay in ay wadaan qorshe  Mooshin degdeg ah oo ku saabsan in dastuurka la ilaaliyo oo aan lagu xad-gudbin sharafta Qaranka oo ay gudbiyeen madaxeynaha dalka.

Dhanka kale Xildhibaanad Khadiijo Maxamed Diiriye oo la hadashay Goobjoog News ayaa caddeysay sababaha dhabta ah ee ka dambeeya mooshinka iyo iney geeyaan xildhibaanno ka badan 50, islamarkaana ay kasoo horjeedaan hadal uu jeediyay madaxweyne Xasan Sheekh, hadalkaas oo ah in la baaro xildhibaanada ka dhoofaya garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho waa sida ay hadalka u dhigtaye.

Xildhibaanno kale ayaa ka ra’yi duwan oo qaba in khudbadda madaxweynuhu aanay dhibaato ku ahayn isla markaana xasaanaddii aaney waxba u dhimin.

Xildhibaan Shariif Maxamed Cabdalla oo wareysi gaar ah siiyay Goobjoog News ayaa sheegay  in aan khudbad waxba lagu bedeli karin, madaxweyuhuna uu xildhibaanada ku baraarujinayay oo kaliya inaan VIP-da si khaldan loo adeegsan oo aan dadkii qaraabada ahaa ee madaxda la socoday aan la soo marsiin, si guud ayuu hadlay madaxweynuhu mana filaayo inuu ula jeeday xildhibaanada oo dalkooda jooga oo xushmad ku haysta in sharaftooda la waxyeeleeyo,waana sida uu hadalka u dhigay.

Dhanka kale Agaasimaha guud ee wasaaradda Duulista hawada Somaliland Cumar C/llaahi Aadan “Sayid”  ayaa sheegay talaadadii lasoo dhaafay 9 Febraayo ee bishan aan ku jirno in Ammaankii Airport-yada Somaliland kor loo qaaday, goobihii baarista ammaankana la kor dhiyay isagoo laabta u qaboojiyay duulimaadyadii caalamiga ah iyo dadkii adeegsanayay Airport-ka intaba, wuxuuna xusay iney dadku u dul qaataan haday dareemaan baadhitaanno dheeri ah, waxa uu sheegay in kabaha iyo suunka la iska saarayo cidkasta oo ay ku jirto madaxda,waxa uu xasuusiyay in xaaladda jirtaa ay khasbeyso hadalka agaasimaha cidna ma dhibsan madax iyo dadweyne toona taas bedelkeeda waxaa loo arkay in ammaanka la xoojiyo.

Si kastaba mooshinka ayaa waxa uu dabooley xaaladdii ammaanka ee taagneyd iyo baaritaannadii dadku u wada dhag taagayeen isla markaan ay filayeen in tatiijo fiican laga gaaro.

Waxa kale oo mooshinkan niyad jab ku riday dadkii ka wel-welsanaa ammaanka iyo hay’adihii ammaanka ee ku mashquulsanaa baaritaannada iyadoo hadda lagu wada mashquuley mooshinkan cusub iyo waxa ka dhalan doona, xilli la joogay isku duubni ayaa xaalad cusub la abuuray.

Dhinaca Siyaasadda.

Guddoomiyaha baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa xubnaha Baarlamaanka ugu baaqay 6 Febraayo in la isku jaangooyo wakhtiga haray kooban iyo howsha weyn ee hor taalla waxa uu u sheegay in fasixii kalfadhiga ee ahaa 2 bilood laga dhigay hal-bil oo qura, waxa uu xasuusiyay xubnaha Baarlamaanka iney hor-yaallaan shuruuc farabadan oo dalka muhiim u ah isla markaana ay tahay in la ansixiyo.

Dhanka kale madaxweyne Xasan oo hadal ka jeediyay Baarlaanka 7-dii Feraayo ayaa u sheegay xubnaha Baarlamaanka in, taageero dhanka ammaanka ah oo uu dalku heli lahaa u xayiran tahay sharciyada qaar ee xubnaha Baarlaanka hor-yaalla, waxa uuna ku tartarsiiyay iney dedejiyaan si wakhtiga looga faa’ideeyo.

Guud ahaan wakhtiga u harsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ah wax ka yar 7 bilood oo la doonayo inuu ku qabto howlo farabadan oo uu muddo dheer ka gaabiyay.

Sidaa daraadeed haddii lagu mashquulo mooshin cusub wakhti bandanna lagu bixiyo , howlihii qaranka oo isku xayiranna laga fakari waayo, taasi waxay la macno tahay inaan dalka wax is badal ah laga fili Karin , qorshihii 2016 iyo isbadalkii la filayayna suurogal ma noqoneyso waxaa hubaal ah inuu dib u dhac galayo.

Ugu dambeyn jawaab celinta dedegga ah ee looga bartay xubnaha xildhibaannada qaar waxay saameyn xun ku yeelata xaaladda cakiran ee dalkana sii murjisa , waxaana hubaal ah in lagu fashilmay nidaamka Baarlamaanka ee Dalka iyo Dhismaha Dowladnimo ee nidaamka Baarlaaniga ah , Somaliland iyo Puntland waxaa ka jira nidaamka uu madaxweynuhu awood badan la siiyay, waaana arrinka xasilloonida u keentay , sidaa daraadeed waxaa la gaaray wakhtigii isbadal lagu sameyn lahaa dastuurka qaranka dibna loo soo celin lahaa nidaamka Madaxweynuhu awoodda awoodda badan la siinayey Soomaalina in badan kusoo caano maashay.

W/D:- Khadar Xuseen Maxamed

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW