U bood dhigaalka

Dhibaatooyinka shaqaalaha

Sheeko:War

Ilaa 20 Dhacdo oo lagu Waxyeelayo shaqaalaha hay’adaha Gargaarka oo dhacay May iyo June

May iyo June waxaa la wariyay in ka badan 20 dhacdo oo lagu bartimaameedsanayo shaqaalaha hay’adaha Gargaarka ee dalka kuwaas oo isugu jira jir dil, Xarig, Handadaad iyo Cagajugleyn.

Bishii June qof ka mid ah shaqaalaha Hay’adaha gargaarka ayaa lagu dilay Marka halka labo kale lagu dhaawacay Muqdishu iyo Ceelwaaq.

Dhacdooyinkan waxaa ay xadideen dhaqdhaqaaqa shaqaalaha hay’adaha samafalka.

Dhinaca kale, waxaa wax lagu farxo ah ah in 3 ka mid ah shaqaalaha hay’adaha samafalka oo la xiray April 2015-ka in Faarax Dhuun kuwaas oo horay kooxo Maleeshiyo ah ku xirteen Baardheere la sii daayey June 2015 kadib markii ay labo bil xirnaayeen.