U bood dhigaalka

Dhinacyada Isku Haya Sudan oo Ku Heshiiyay Xabada Joojin Cusub

Sheeko:Caalamka

Dhinacyada isku haya dalka Suudaan ayaa ku heshiiyey xabbad joojin toddoba ad ah, ka dib wadahadallo ka dhacay magaalada Jeddah ee dalka Sucuudiga.

Heshiiskaan  ayaa la saxiixay goor dambe oo sabti ah,waxaana lagu wadaa in 24 ka saac ee soo socda ay dhaqangasho xabad-joojinta,sida lagu sheegay war ka soo baxay Washington iyo Riyaad.

Tallaabadaan, waxaa dhaqangalintiisa kormeeri doona Mareykanka , Sacuudiga iyo dalal caalami ah sida kagu xusay bayaan kooban oo aan faahfaahin laga bixin.

Heshiisku waxa kale oo uu dhigayaa in la qaybiyo gargaarka bini’aadantinimo, soo celinta adeegyada muhiimka ah iyo in ciidamada laga saaro isbitaallada iyo xarumaha muhiimka ah ee bulshada.

Dagaalada ka socda Suudaan todobaadkii lixaad,waxa ku  dhintay  boqollaal qofhalka dad ka badan hal milyan oo ruux ay ku barakaceen.

Goobjoog News