U bood dhigaalka

Dhinacyada iskuhaya Awoodda Suudan oo Heshiis Kale Ku Gaaray Sucuudiga

Sheeko:Caalamka

Dhinacyada isku haya awoodda dalka Sudan ayaa gaaraay Xabad joojin cusub, taas oo lagu kordhinayo muddo shan maalmood oo dheeraad ah, ka dib markii ay dhexdhexaadiyeen Maraykanka iyo Sacuudi Carabiya, dhinacyada isku haya Suudaan.

Wakiillada labada dhinac ayaa wali ku sugan magaalada Jeddah ee dalka Boqortooyada Sucuudiga halkaas oo ay ka socdaan wadahadlada lagu dejinayo dagaalka dadka badan ay ku dhimanayaan ee ka socda Suudaan.

Militariga Sudan iyo kooxda ka soo horjeeda ee ciidamada gurmadka dg dega ah ee RSF, ay ballan qaadeen inay joojinayaan weerarrada cirka, madaafiicda iyo dagaallada waddooyinka, midkoodna si buuxda marar badan uma hoggaansamin xabbad joojinta hore ee todobada maalmood ahayd, iyadoo ay dhaceen dagaallo culus.

Dowladdaha Mareykanka iyo Sucuudiga ayaa ballan qaaday in dhankooda ay taageeriyaan sidii loogu dhaqangalin lahaa heshiiska la gaaray, inkastoo lagu ballamay in ciddii jabisa meel looga soo wada jeesto sida laga soo xigtay mas’uuliyiin ku dhow Xogyaha arrimaha dibadda dalka Mareykanka Antony blinken.

Dhinacyada ku dagaalamaya dalka Sudan ayaa dhowaan lagu eedeeyay in ay gaysteen dambiyo la xirrira dagaal, kadib markii duqeymo dhanka cirka ah lagu beegsaday Isbitaallo ku yaalla magaalada caasimadda ah ee Khartoum, waxaa sidoo kale jira in dhinacyadu ay ku kaceen tacadiyo ka dhan ah Haweenka da’yar.

Sudan ayaa waxaa muddo laba bil ah ka jirta qalalaasaha u dhaxeeya ciidamada Milatariga dalkaas iyo xoogagga kasoo horjeeda, kuwaas oo muddo ku dagaalamayay caasimadda.

Dagaalka dhinacyada iska soo horjeeda ayaa sababay in dalka Sudan ay iska barakacaan kumannaan muwaadiniin iyo Ajaanib ah si ay uga baxsadaan dagaalka ka socda halkaasi.

Goobjoog News