U bood dhigaalka

Dhinacyada Sudan Isku Haya oo Xabadjoojin Ku Dhawaaqay Markale

Sheeko:Caalamka

Xoogagga isku haya awoodda dalka Sudan ayaa ku dhawaaqay xabadjiijon, kadib laba tobodaab oo ay dhacayeen dagaallo xooggan oo u dhaxeeyay ciidanka Milatariga dalkaasi iyo xoogagga Damcu Sariic kasoo horjeeda taliska Milatariga uu hoggaamiye Cabdifitaax Al-Burhaani, kaas oo dagaal kala kulmaya Jenerla Candixamiid Daqalo.

Dhinacyada ayaa waxaa ay ku heshiiyeen xabadjoojin 72 saacadood ah sidalaga soo xigtay xoghayaha arrimaha dibadda dalka Mareykanka  Antony Blinken, taas oo dhaqan gashay habeenkii xalay, waxaana ay kusoo aadeysaa xilli kumannaan shacab ah ay isaga baxsadeen dagaallada dalkaas, kuwaas oo gaaray xadka Masar iyo Ethiopia.

Waa ugu yaraan xabbad-joojintii saddexaad ee lagu dhawaaqo tan iyo markii ay dagaallada sokeeye ka qarxeen bishan balse midna ma aysan dhaqan gelin, Mr Blinken ayaa sheegay in heshiis ay wada gaareen ciidamada milllitariga ah iyo ciidamada gargaarka degdega ah ee RSF ka dib wadahadallo socday muddo 48 saacadood ah.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay António Guterres ayaa isna ka digay rabshadaha ka socda Sudaan in ay sababi karaan iskudhac masiibo ah kaas oo harayn kara gobolka oo dhan iyo meelo kale, waxaana uu dhinacyada ku booriyay in sida ugu dhaqsiyaha badan ay u tagaan miiska wadahadalka si loo dhameeyo qulquatooyinka jira.

 Mareykanka ayaa sheegay, inuu eegayo suuragalnimada inuu dib u bilaabo joogitaankiisii diblomaasiyadeed ee Suudan hase yeeshee wuxuu ku tilmaamay xaaladaha halkaas ka jira kuwo aad u adag, waxaana jiray in dalalka Britain, France iyo UK ay hore u daadgureeyeen diblomaasiyiintooda ku suganaa Sudan iyo muwaadiniinta kale.

Arrintan ayaa timid ka dib maalmo ay xiisadi ka taagneyd iyadoo xubno ka tirsan RSF lagu soo daad gureeyey dalka oo dhan taasoo ay ciidamada millitariga ah u arkeen in tahay mid halis ah, waxaana arrintaan ay kusoo aadeysaa, xilli uu madaxweynihii hore ee dalkaas Cumar Xasan Al-Bashiir uu ka baxsaday xubsi lagu xiray.

Dagaalka ka dhacaya dalka Sudan ayaa ilaa iyo hadda waxaa lasoo warinayaa in ay ku geeriyoodeen dad ka badan 3500 ruux, halka ay jiraan dhaawacyo ka badan 9000 ruux sida ay sheegtay Qaramada Midoobay, dagaalka Sudan ee u dhaxeeya ciidanka iyo xoogagga kasoo horjeeda ayaa wali soconaya iyadoo usan jirin xal laga gaaray.
Goobjoog News