U bood dhigaalka

Dhulgariir Hor leh oo Ku Dhuftay Xadka Suuriya iyo Turkiga iyo Faahfaafinno Kasoo Baxaya

Sheeko:Caalamka

Dalka Turkiga ayaa waxaa markale ku dhuftay Dhulgariir hor eh, xilli dowladda iyo shacabkuba ay la daaladhacayeen kii hore, kaas oo ku dhowaad 43, 000 qof ay ku geeriyoodeen oo Turki iyo Suuriyaan isugu jiray. Samatabixiyeyaasha ayaa mar kale baadi goobaya dadka ku hoos jira dhismooyinka burburay ee Turkiga.

Cabirka dhulgariirka cusub ayaa waxaa lagu sheegay 6.4 iyo 5.8,  waxaana uu ka dhacay Koonfurta dalkaasi, meel aan ka fogeyn xadka dalka Suuriya, isaga oo kusoo aadaya xilli Dhulgariirradii hore uu  44,000 oo qof ku dilay Turkiga iyo Suuriya iyadoo tobnaan kun oo kalena ay hoy la’aan noqdeen, bil gudaheeda.

Dhulgariirkii hore ayaa saameyn ku yeeshay dhulka hadda uu ka dhacay, iyadoo hay’adda musiibada iyo arrimaha degdegga ah ee Turkiga ayaa sheegtay in dhulgariir cabbirkiisu yahay 6.4 uu ku dhuftay dalkaas abbaaro 20:04 xilliga dalkaas (17:04 GMT), waxaana saddex daqiiqo kaddib xigay mid kale oo lagu qiyaasa 5.8.

Samatabixiyeyaasha ayaa ilaa iyo hadda warinaya geerida sedex ruux oo dhulgariirrada cusub ku geeriyooday, Saddexda dhimasho ayaa ka dhacday Antakya, Defne, iyo Samandag, sida uu sheegay wasiirka arrimaha gudaha, Süleyman Soylu, isagoo dadka ugu baaqay inaysan gelin dhismooyinka khatarta ku jira.

Tirada dhimashada ayaa waxaa la filayaa in ay sare u kacdo, waxaana uu kusoo aadayaa dhulgariirka cusub, xilli weli ay taagan tahay saameynta ka dhalatay kii hore, kaas oo 43,000 ay ku geeriyoodeen oo Turki iyo Suuriyaan isugu jira, iyadoo dunidu siyaabo kale duwan ay kaga qeyb qaadanayaan gurmadka Turkiga.
Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Mareykanka Antony Blinken ayaa gaaray Turkiga isagoo ku dhawaaqay in dalkiisu uu bixinayo lacag gargaar bani’aadannimo ah oo dhan $100m (£83m). Tirada dhimashada ayaa la filayaa in ay sare usii kacdo iyadoo ilaa 345,000 oo guri ay ku burbureen dhul gariirkii dhacay 6-dii February.

Goobjoog News