U bood dhigaalka

Dib U Dhac Ku Yimid Doorashada Laba Kursi Oo Lagu Qabanayay Jowhar

Sheeko:Baarlamaanka

Waxaa dib u dhac uu ku yimid doorashada laba kursi oo maanta oo Axad ah lagu waday in lagu doorto magaalada Jowhar ee caasimadda dowlad gobaleedka Hirshabeelle.

Kuraasta maanta lagu waday in Jowhar lagu doorto ayaa kala ah kuraasta tirsigoodu yahay  HOP#70  iyo HOP#115, waxaana weli magaalada ka socota bixinta shahaadada musharixiinta kuraastaas.

Waxaa labadaan kursi horay ugu fadhiyay xildhibaanada kala ah Aadan Cali Xasan oo ku fadhiyay kursiga HOP#70 iyo xildhibaan Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad) oo ku fadhiyay kursiga HOP#115.

Lama oga maalinta rasmiga ah ee doorashada kuraastaan la qabanayo, kadib markii ay maanta baaqatay. Waxaana wararka ay sheegayaan weli in uu tababar u socdo ergada soo dooraneysa xildhibaanada labadaan kursi.

Magaalada Jowhar ayaa horay waxaa loogu doortay lix kamid ah kuraast golaha shacabka ee deegaan doorashadoodu tahay Hirshabeelle.

Goobjoog News