U bood dhigaalka

Dibadbaxyada Ka Dhacaya Kenya oo Gaaray Heer Suxufiyiinta Lagu Beegsado

Sheeko:Caalamka

Magaalada Nairobi ee dalka Kenya gaar ahaan xaafadaha isku raranka ah, waxaa wali kasii soconaya mudaharaad ay dhigayaan xoogagga mucaarad iyo sidoo kale qeybo bulshada ah oo ka cabanaya sare ukaca sicirka, iyaga oo ka dalbanaya dowladda in wax laga qabto sida ay wax u socdaan, xaaladda ayaa ah mid sii adkaanaysay malmahaan.

Wax ka badan 20 Saxafi  la weeraray, labadii toddobaad ee ay socdeen mudaharaadadii lagaga soo horjeeday xukuumadda Kenya. Sida laga soo xigtay xarunta warbaahinta ee Kenya, weeraradan ayaa sare u kacay tan iyo markii ay kuwa muuqaalada duuba iyo kuwa sawirrada qaadaba ay bartilmaameed u noqdeen, debedbaxayaasha .

Waxaa laga soo xigtay Njeri Gathumbi, oo ah sawirqaade u shaqeeya telefiishanka Nation TV ee dalka Kenya, oo ka mida saxafiyiinta soo tebiya debedbaxyada, ayaa sheegtay in toddobaadkii ugu dambeeyey uu ka sii adkaa toddobaadkii ka horreeyey, waxaana uu susay in ay la kulmeen weerarro kaga imaanayay dhinaca kooxaha kale.

“Haddii aad aaddo dhinaca ciidamada booliska, waxaad khatar ugu sugan tahay dhagxaantu inay kugu dhacaan, haddii aad tagto dhinaca debedbaxayaashana, waxaa ku garaacaya dadweynaha, sidoo kale ciidamada booliska ayaa kugu qarqinaya sunta dadka kaga ilmaysiisa” ayay sheegtay xilli uu bixinayay Wareysi lala yeeshay Njeri.

Waxaa sidoo kale uu ka sheekeeyay in ay aheyd xaalad adag in ay qaadaan sawirro xilliga ay dibaxyaashu ay isu soo baxa ay dhigayeen, xilligaas oo lagu gubay goobo ay ku jiraan kuwa lagu cibaadeysto, goobo waxbarasho iyo beer uu lahaa madaxweynihii hore ee dalka Kenya Uhuru Kenyatta , taas oo qeyb ka mid ah dab la qabadsiiyay.

“Mararka qaarkood inaad sawiradaas qaaddo, waa arrin aad u adag, waa inaad isku qarisaa meel aad kaga dhuuman karto booliska iyo shacabkaba, khaasatan marka ay isweydaarsanayaan dhagxaanta iyo sunta dadka kaga ilmaysiisa” ayay sii raacisay hadalkiisa sawirqaadaha kairsanaa telefiishanka Nation TV ee dalka Keny.

Saxafiyiinta lama bartilmaameedsanayn illaa taliyaha booliska ee Japhet Koone uu ka sheegay in dadka ka mid  debedbaxayaasha la maxkamadayn doono, iyada oo la isticmaalayo sawirada la qaaday, taas ayaa keentay in ay ka xanaaqaan sidaasna lagu baetilmaameedsado kooxaha wariyeyaasha oo ilaa iyo hadda la weerar in ka badan 20.

Debedbaxyadan ayaa bilaabmay ka dib markii hoggaamiyaha mucaaradka Raila Odinga uu ku dhawaaqay in laga mudaharaado qiimaha nolosha ee cirka isku shareeray iyo dulduleelooyinka  hannaanka doorashada uu sheegay in ay tahay in mudahaadyo laga sameeyo, taas oo gaartay in xaaladdu ay faraha ka baxdo oo la xakameyn waayo.

Dibadbaxayaasha ka dhacaya wadanka Kenya ayaa waxaa laga muujinayaa walaac ku aadan in ay isku bedesho dagaal Qoomiyadeed oo dhexmara bulshada dalkaas oo sidaan oo kale doorashadii Uhuru Kenyatta sidaan oo kale ay u dhaceen dibaxyo gaaray heer gacan ka hadal ah oo dad badan galaafatay iyo kadib la xasiyay arrinta.

Goobjoog News