U bood dhigaalka

Dibadbaxyada Kenya oo Laga Walaacsan Yahay Iney Isku Badelaan Dagaal Qoomiyadeed

Sheeko:Caalamka

Madaxweynaha Kenya, William Ruto, ayaa cambaareeyay mudaaharaadyadii ay  mucaaradka ka dhigeen dalka, taas oo horseeday burbur hantiyeed oo u uku jiro dullaan lagu qaaday beer ay leeyihiin qoyska madaxweynihii hore ee dalka, Uhuru Kenyatta, taas oo la gaarsiiyay khasaare, isaga oo sheegay inaan la aqbal karin waxa jira.

Mar uu hadal la hadlayay Uhuru Kenyaanka ku nool magaalada Berlin, ayaa madaxweyne Ruto waxaa uu wacad ku maray inuu ilaalin doono, badqabka dhamaan shacabka Kenya iyo ganacsatada isagoo howl gelinaya booliska gaarka ee ka hortaga rabshada, bannaanbaxyada ayaa ah kuwa kusii faafaya gudaha dalkaas oo gaaray Diimaha.

Booliska dalka Kenya ayaa booqday beerta ay leeyihiin qoyska madaxweynihii hore ee Kenya Uhuru Kenyatta, kadib markii maalintii Isniinta qeyb ay gubeen dad soo duulay, kuwaas oo qeyb ka ahaa mudaharaadayaasha mucaaadka ah, Dadkan dhaca geystay ayaa waxay jareen geedo, waxayna ka soo kaxeysteen xoolo joogay goobta.

Golaha Diimaha ee Kenya ayaa booqday xaafadda isku raranta Kibra ee gudaha magaalada Nairobi halkaas oo ay  habeenimadii Isniinta lagu gubay Kaniisad iyo dhismayaal madarasad oo ku yaallay Masaajid aan ka fogeyn halka ay kaniisadda ku taallo, arrintaan ayaa siweyn loo cambaareeyay lagula kacay goobaha cibaado iyo waxbarasho.

Ugu yaraan hal qof ayaa la dilay, waxaana sidoo kale la gubay guryo ku yaalla Kibra, iyadoo laga cabsi qabo in fowdadu ay isu beddesho rabshado qowmiyadeed, taas oo horey uga dhacday  Kenya xilli muran uu ka dhashay doorashada sidaan oo kale,Raila Odinga ayaa eedeyey dowladda ku in ay dibaxyada ay u badalayso  Rabshado.

Waxaa uu si kulul uga hadlay weerarkii lagu qaaday beer uu lahaa madaxwaynihii hore ee Kenya Uhuru Kenyatta Raila ayaa carabka ku adkeeyay in dimuqraadiyadda Kenya la soo weeraray, Booliiska Kenya  ayaa mamnuucay dibadbaxyadan isla markaana ku tilmaamay kuwo sharci daro ah oo aan la aqbali karin in ay ka sii socdaan dalka.

Mudaharaadyada ka dhacaya Kenya ayaa waxaa laga cabsi qabaa in ay isku bedelaan mid qoomiyadeed, taas oo hore u dhacay sanadkii 2017, xilligaas oo mudaharaadyadu isku badeleen in dadku ay isku laayaan si Qoomiyad ah, waxaana ka dhashay khasaare baahsan oo isugu jira mid nafeed iyo mid hantiyadeed sida dhacday xilligaas.

Goobjoog News